Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Hay’adda Dhakhaartiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF oo Soomaaliya ka Baxday.

$
0
0

Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa maanta ku dhawaaqday inay albaabbada isugu dhufaneyso dhammaan mashaariicdii caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya.

MSF oo ka shaqeyneysay Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa qaadatay go’aankan adag kaddib markii ay kordheen weerarrada xad-dhaafka ah ee loo geysanayo shaqaalaheeda, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda.

“Kooxo hubeysan iyo hoggaamiyayaal shibil ah ayaa si aad ah u taageera ama ku lug leh dilalka, weerarrada iyo afduubka shaqaalaha gargaarka bin’aadannimo,” ayay hay’addu ku sheegtay bayaankeeda.

In ka badan 1,500 oo shaqaale ayaa hay’adda uga shaqeynayay dallacada Soomaaliya.

Unni Karunakara, oo ah guddoomiyaha caalamiga ah ee MSF ayaa sheegay in go’aanka maanta ay qaateen uu yahay midkii ugu adkaa ee hay’addu ay ebed gaartay.

Hay’adda ayaa isla maanta xiraysa mashaariicdii caafimaad ee ay ka wadday magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Balcad, Diinsoor, Gaalkacyo, Jilib, Jowhar, Kismaayo, Mareerey iyo Burco.

Bishii la soo dhaafay, labo shaqaale oo ka tirsan hay’adda MSF Spain oo la qafaashay labo sano ka hor, laguna haystay gudaha Soomaaliya ayaa la sii daayay.

Bb497060.ors01_02_big(l=en-us)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles