Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ugu Yaraan 38-ruux oo ku dhimatay Rabshadihii maanta ka dhacay dalka Masar(Sawiro).

$
0
0

Ugu yaraan 38-ruux ayaa ku dhimatay isku dhacyo maanta dhex maray dibad baxayaasha taageersan madaxweynihii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi iyo ciidamada ammaanka.

Sida ay sheegayaan wararka ilaa 25-ruux ayaa ku dhimatay meelo ka baxsan Qaahira, oo 12 ka mid ah ku dhinteen Gobolka Nile Delta.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa maanta oo jimcaha ku dhawaaqay inay qaadayaan banaan baxyo maalin walba ay ka dhigayaan dalka oo dhan.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii taageerayaasha Maxamed Mursi laga saaray xerooyinkii ay saldhigteen, kadib isku dhacyo ballaaran oo ay ku naf waayeen 638-ruux, taasoo keentay cambaareyn caalami ah oo ka timid beesha Caalamka.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in ilaa 13-ruux ay ku dhinteen Qaahira dibad baxyadii maanta, gaar ahaan fagaaraha Ramses Square.

masar-sii_soco_1
 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles