Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciyaar Lagu Maamuusayey 15-Guuradii Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Puntland oo Pakistaan lagu qabtay(Sawiro).

$
0
0

Galabnimadii Isniintii  Abaarihii 4:00 pm galabnimo saacad wadanka Pakistan ayaa lagu qabtay cayaar-maamuuseed loogu dabaal degaayo isla mar ahaantaasna loogu maamuusaayo 15 guuradii kasoo wareegtay asaaskii Maamul Goboleedka Puntland .

Cayaar-maamuuseedaan waxaa soo agaasimay Jaaliyada Puntland ee wadanka Pakistan gaar ahaan Jaaliyada  ku nool magaalada  Islaamabad .

Waxaa munaasabadaas kasoo qeybgalay masuuliyiin farabadan oo ay ka mid yihiin xubno ka socday Saafaarada Somalia ay ku leedahay wadankaan iyo marti sharaf ka socotay Jaaliyada Somalia ee dalkaan .

Waxaa labada kooxood oo ku looltamaayey Koobkaan ay kala ahaayeen , Kooxda Hormuud iyo Kooxda Halgan. Cayaartaas oo ku bilaabatay jawi degan,  ahaydna mid ay aad u xiisa gelisay dhamaan kasoo qeybgalayaashii Munaasabada.

Labada kooxood wax’ay soo bandhigeen  cayaar wanaag, waxaana cayaartii  ku soo idlaatay barbardhac , halkaas oo lays la gaaray   Rigoorayaal(Gool ku laad ).  Ugu danbayntiina waxaa’ay guushu ku raacday kooxda Hormuud oo ku badisay 4-3.

Gabagabadi waxaa la gudoonsiiyey koobab iyo billado labada kooxoodba waxaana Gudoonsiiyey Caaqil  Siciid Mahdi  iyo marti sharaftii kale .

Camera 360 Camera 360 Camera 360 Camera 360 Camera 360 Camera 360 Camera 360 Camera 360 1082803_393430550779054_1643929293_n 1148321_393430294112413_631461190_n

Mahadsanidiin.

Mohamed Nour Mohamoud “ kuluu”

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles