Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay heshiis dowladda Soomaaliya la gashay shirkad fadhigeedu yahay Holland oo qaabilsan ammaanka badaha.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay shirkada ammaanka Badaha qaabilsan aanu waxba ka khuseyn dhankooda.
“Heshiiskaas anaga waxba nagama khuseeyaan, waayo ammaanka badaheena iyo xuduudaheena anaga sugan kara”ayuu yiri Mr Biixi oo intaa ku daray in aanay ogolaan doonin in shirkado ruqsado ka heysta Soomaaliya inay soo galaan deegaanadooda.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya iyo iyaga ay yihiin labo dowladood oo jaar ah, ayna diyaar u yihiin in wax walba oo qatar ku ah madiqada ay iska kaashadaan sida burcad badeeda.
“Labadeena waxaanu nahay labo dowladood oo madax banaan, waxaan ku qasbanahay inaan iska kaashanao la dagaalanka burcad badeedka”ayuu yiri.
Wada hadalo u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo wada hadaladaas ka soo baxeen heshiisyo dhowr qodob ka kooban oo dhigayay in labada dhinac iska kaashaadaan la dagaalanka argagixisada, burcad badeedka iyo arrimo kale.
Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, iyadoo muddo 22-sano aanay helin aqoonsi caalami ah, waxaana deegaanadeeda yihiin kuwo nabdoon oo nidaam dimoqraadi ah uu ka jiro.