Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Somaliland oo sheegay inaysan ka qayb galayn shirka Brussels.

$
0
0

3989Maamulka gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaysan ka qaybgaleen shirka Brussels ee dhaqaalaha loogu aruurinayo Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa BBC-da u sheegay inaysan ka qaybgaleen shirka Belgium ee 16 Sep, 2013 dhacaya.

Waxa uu raaciyay inay u gudbiyeen saraakiisha EU rabitaanka inay uga qaybgalaan shirkan magacooda maadaama sida uu hadalka u dhigay ay laba dowladood kala yihiin, isagoona dhanka kale soo hadal qaaday in wada hadal uu u socdo DF.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay inaysan isku baahi ahayn Somalia iyo Somaliland, isagoo dhanka kale soo dhoweeyay hadii taageero lagu sinayo inay sii horumarsadaan maamulkooda.

”Anaga iyo Dowladda Xamar isku baahi ma nihin waayo isku duruuf ayaanu ahayn” Ayuu yiri wasiirku.

Ugu danbeyntii ayaa wax laga waydiiyay Ictiraafka aysan helin maamulkoodu in ka badan 22-sanno, waxana uu sheegay inay ku rajo waynyihiin markasta inay mar uun ka go’aan gobollada kale ee Somalia.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles