44-ruux oo cibaadeysanayay ayaa lagu dilay masaajid ku yaala waqooyi bari Naygeria, iyadoo weerarkan uu yahay kii ugu xumaa mudooyinkan.
Weerarkan ayaa dhacay subaxdnimadii Axadi, hase ahaatee warka ku saabsan dhacdadaas la helay Isniintii.
Sida wararku sheegayaan weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Konduga oo 35-KM u jirya caasimada gobolka Maidguri.
Raga hubeysan ee ka dambeeyay weerarka ayaa looga shakisan yahay inay yihiin maleeshiyada Islaamiga ee Boko Haram, kuwaasoo tan iyo sanadkii 2009-dii waqooyiga Nigeria ku dilay kumanaan ruux.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa bishii May ku dhawaaqay xaalad deg deg ah inuu ku soo rogay sadde magaalo ku taal waqooyi bari Nigeria, halkaasoo ciidamadiisa howl galo ballaaran oo ka dhan ah islaamiyiinta ka sameeyeen.
Warbaahinta Nigeria ayaa sheegtay in 26-ruux oo dhaawacyo ah lagu daweynayo isbitaalka Maidguri.