Magaalada Muqdisho ayaa Qayb kamid ah waxaa iska maamusha Qolyo aan la garanayn oo xitaa aysan jirin cid ogolaansho u siisey iney dhistaan,
Dhul xeebeedka ku teedsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku yaal dhismayaal lagu raaxeysto oo amaankooda la sugay, dhulkaas Madaxweynaha Dowlada Federaalka xitaa cag ma dhigi karo oo looma ogala. Hotel kamid ah dhismayaasha laga hirgaliyey.
Halkaas ayaa waxaa dhistey nin Mareykan ah waxaana habeynkii lagu seexdaa inka badan 500 USD, Waxaa badanaa isticmala Hotelkaan
shaqaalaha Hay’adaha iyo sirdoonka Reer Galbeedka. Shirkada dhistey Hotelkaan Waxay badanaa waxka dhistaa Wadamada Dagaaladu haligeen sida Ciraaq iyo Afganistaan. Dhulxeebaadkaan balaaran waxaa ku yaala dhismayaal iyo meelo lagu dabaasho oo lagu raaxeysto, Waxaa kuyaal Garoon yar oo diyaaradaha khaaska ah kasoo degaan, waa magaalo aan Soomaaliya ka tirsanayn balse ku dhextaal Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheikh kama hadli karo mana tagi karo haduusa Ogolaansho ka haysan Sirdoonka Mareykanka oo amaanka deegaankaas Qandaraas ku heysta, waxaa amaanka Ilaaliya shirkad Koonfur Afrika laga leeyaha. Shaqaalaha deegaankaan ka howlgala iyo Dhismayaasha ka dhisan ma jiraan cid ay Ogolaansho ka heystan.