Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maalinta Xuska dhalinyarada Aduunka oo Garoowe lagu qabtay(Sawiro).

$
0
0

Hoolka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa maanta

lagu qabtay xuska maalinta dhalinyarada aduunka oo ku beegnayd maanta,

waxana ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka, gudoomiayaha Barlamanka,

wasiiro, masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda, Taliyaha ciidanka Booliska,

ururadda dhalinyarada ee gobollada, hayado caalami ah sida UNDP, UNFPA,

UNICEF, Save the Children, Care, IOM, Mercy Corps iyo marti sharaf kale.

Xaflada ayaa inta ay socotay lagu soo bandhigay muuqaalo iyo riwaayado

dhalinta looga wacyigelinayo Tahriibta iyo khatarta ay leedahay, xili boqolaal

dhalinyaro ay dalka dibadiisa u baxeen si ay dhuumaaleysi ugu galaan dalalka reer Yurub.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha , dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule

”Indhoguran” ayaa in badan ka soo sheekeeyay sanadkii tagay hawsha ay wasaaradu qabatay

gaar ahaan dhanka horumarinta dhalinyarada, wacyigelintooda iyo shaqo abuuristooda.

”Hawlo qabyo naga ah weli way jiraan ,waxaaana ku hanwaynahay inaan horey ugu socono si aan

u gaarno yoolka aan higsaneyno” ayuu yiri wasiirku.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa dhibaatada tahriibta

uga digay dhalinyarada oo uu ku sheegay musiibo qaran maadaama ay ku leedeen wiilashi Soomaaliyeed.

”Nabarkii Muslinka ku dhaca anagana wuu nagu dhacayaa, horey baaq ayaa goluhu uga soo

saaray tahriibta waxaana aan ku baaqnay shirweyne looga tashanayo qaabkii looga hortagi

lahaa” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo xiray xafladan oo hanbalyo u diray

dhalinyarada Soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland munaasibadan iyo ciida.

Dhibaatooyinka dhalinyarada la soo gudboonaa ayuu ku dheeraaday Gen.Cabdisamad Cali Shire

oo uu ku sheegay burcad badeed, Al-shabaab iyo tahriibta isagoona raacshay inay ku jiraan falanka

tahriibta dhalinta xiliyadan danbe soo badanaysay.

IMG_5876

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles