Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra’iisul Wasaaraha oo Shacabka uga Tacsiyadeeyey Geerida Cismaan Caato.

$
0
0

tacsiInnaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun

 Muqdisho August 6, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xasan Cali “Caato” oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

 “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Caato  iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.

 Marxuum Cismaan Caato ayaa ahaa siyaasi ahna ganacsade xilal kala duwana ka soo qabtay dawladdii KMG.

 Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles