Mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay in miisaniyada dowladda Doolar lagu saleeyo canshuur qaadis iyo bixin kharashaadba ka dib dood u socotay maalmihii la soo dhaafay.
Halkan ka Dhegayso Khudbada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland.
Wasiirka maaliyada Faarax Cali Jaamac ayaa goob-joog ka ahaa fadhigan lagu waydiinayay su’aalo la xariira miisaaniyad sanadkeedka 2013.
Mudanayaashu waxay ansixiyeen sidoo kale degmada Dharkayn-Geenyo oo ka tirsan gobolka Sool iyo wasiirka warfaafinta Prof.Axmed Shiikh Jaamac oo dhowaan la magacaabay.
Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa la hadlay wariyaasha ka dib kulankii mudanayaasha oo ka warbixiyay ansixinta Doolarka oo lala socod siinayo qiimaha Shilinka ,Degmada Cusub iyo wasiirka warfaafinta.
Mudanayaasha ayaa loo qaybshay xeerka Nootaayooyinka oo shalay xukuumaddu soo ansixiyay islamarkaasina maalinta beri ah ay guda geli doonaan doodiisa.
Source:Garoowe.