Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa sii wada dibedbaxyadooda in kasta oo dowladdu ka digtay in la kala eryi doono.
Dadka dibedbaxayada ka qeybqaadanaya ayaa sheegay inay sii wadi doonaanan muddaaharaadyada inta xukunka uu kaga soo noqonayo Maxamad Mursi.
Tani ayaa imaanayso iyadoo wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka uu cambaareeyay awoodda loo adeegsaday dibedbaxayaasha.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Masar inay dadka u oggolaato xaqa ah inay dibedbixi karaan.
Afhayeenka Ikhwaanka
Afhayeen u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiinka Jihad al-Xaddad ayaa sheegay in “kumanaan kun oo ruux oo ka kooban rag, dumar iyo carruur” ay ku sugan yihiin fagaaraha Masaajidka Raabica al-Caddawiyah.
Waxaa uu sheegay in tiradooda ay sii korortay iyadoo dadka ay haatan “garwaaqsadeen dhibaatada ballaaran ee mustaqbalka ka dhalan karto xukunka militeri”.
Afhayeenka ayaa Yiri ”Dadku waxay garwaaqsadeen dhibaatada ballaaran ee mustaqbalka ka dhalan karto xukunka muliteri”
Weriye BBC-da ka tirsan oo tegay goobta ay ku dibedbaxayaan taageerayaasha Mursi ayaa sheegay in waddooyinka laga soo galo fagaaraha ay dhigteen dhegaxaan waaweyn, iyagoo ka cabsi qabo in la soo weeraro.
Wasaaradda caafimaadka ee Masar ayaa sheegtay in dadka ku dhintay iskahorimaadyadii dhexmaray taageerayaasha Mursi iyo boliiska maalintii Sabtida ay gaareen 67 ruux.
Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 120 ruux.
Source:BBC.