Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa ujeedkooda yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, waxaana wafdiga ay goor dhoweyd ay ka degeen deegaanka Nambar 50.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka soo kala jeeda dhinacyada ku dagaalamaya deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo haatan ay soconayaan kulamo looga hadlayo sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada ay u gudbi doonaan deegaanada lagu dagaalamay oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, sida deegaanka Ceel Wareegow, Nambar Lixdan iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidi ayaa sheegay in wafdiga ay ku soo dhoweeyeen deegaanka Nambar 50, waxaana uu tilmaamay inay socdaan kulamo la xiriira sidii labada dhinac loo kala dhex geli lahaa.
“Meesha waxa ku dagaalamay waa ciidamo ka tirsan dowladda, maxaa yeelay anaga waa awoodi weynay inaan kala dhex galno, ciidamada dagaalamaya waa labo beelood, waxaana rajeyneynaa in xal laga gaaro colaada”ayuu yiri C/qaadir Siidii.
Odayaasha deegaanka ayaa labada beelood ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, iyadoo warar dhiilo xambaarsan ay warbaahinta ka sii daayeen labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeday Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, iyadoo baaqyo dhowr ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ay ku dalbadeen in xiisada la qaboojiyo.