Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Cunuga Yar ee u dhashay Boqortooyada Britain oo Lasoo Bandhigay(Sawiro).

$
0
0

Canuga yar ee u dhashay reer Boqor ayaa la soo bandhigay, markii Hooyadiis Kate Middleton ay ka soo baxday Isbitaalka St Mary’s ee galbeedka London.

Wariyeyaasha oo hor-tubnaa banaanka hore ee Isbitaalka ayaa durba sawiro ka qaadayay canuga yar ee ku soo biiray qoyska reer Boqor oo ah dhaxal sugaha saddexaad.

Kate ayaa albaabka Isbitaalka ka soo baxday iyadoo canugeeda labada gacmood ku wadatay, markii ay banaanka yimaadeen ayay ku wareejisay Prince William, halkaasoo Saxaafada ay sawiro ka qaateen.

Labadaba ayaa aad ugu faraxsanaa canugooda, iyadoo dhamaan qoyska reer Boqor ay aad ugu farxeen dhalashada dhaxal sugahaya 3aad.

Prince William ayaa mar uu hadlay sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay magac ugu bixin lahaayeen canugooda.

Goor sii horeysay ee saakay ayaa waxaa Isbitaalka ku booqday Lamaanahan canuga u dhashay aabaha iyo hooyada Kate, iyo Boqorka Wales.

Amiir William ayaa ku sugnaa Isbitaalka intii ay umuleysay xaaskiisa, waxaana isaga iyo xaaskiisa ay sheegeen inay waqti gaar ah u tahay wiilkooda cusub.

Dadweyne fara badan oo ku faraxsanaa wiilka u dhashay qoyska reer Boqor ayaa soo buuxiyay qasriga Boqortooyada, qaarkood ayaa calanka Britain lulayay, halka ay wateen halku dhigyo magacyo ku qornaa.

Madaxda Aduunka ayaa u hambalyeeyay qoyska reer Boqor ee canugooda dunida ku soo biiray, waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xaaskiisa Micheal, Ra’iisul Wasaaraha Canada iyo Boqorka Wales.

canuga-reer_boqor_7

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles