Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cabqado kala kulmaan gelitaanka Xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka dalbaday Gudoonka Baarlamaanka in arrintan si deg deg ah wax uga qabto.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Fanax) oo ka mid ah mudanayaasha cabashada u gudbiyay gudoonka baarlamaanka ayaa sheegay in arrin culus ay ku soo korortay madaxtooyada, kadib markii mudanayaal dhowr ah loo diiday inay galaan.
“Maalmahan waxaa soo korortay arrin cusub in Xildhibaanada loo diiday madaxtooyada, qaarkood waa la jirdilaa, kuwo maalin dhoweyd in baabuurtooda la galaan waa loo diiday, arrintaas waxaa ka rabnaa gudoonka baarlamaanka inuu cadeeyo sababta ay ku timid”ayuu yiri Xildhibaan Fanax.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ninka Agaasimaha ka ah Madaxtooyada Kamaal Gutaale dhowaan is hortaagay Xildhibaano doonayay inay galaan Madaxtooyada, halka qaarna uu ku jees jeesay xilli ay doonayeen inay la kulmaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha ayaa sheegaya in Agaasimuhu uu is biday awood uusan laheyn, isla markaana uu ku tumanayo xasaanada uu leeyahay Xildhibaanka, iyadoo arrimahan ay noqdeen kuwo xitaa saameynku yeelanayo dadka siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, marka ay doonayaan inay la kulmaan Madaxweynaha oo laga hor istaagayo.
Si kastaba ha ahaatee cabashadan ka soo yeeray Xildhibaanada baarlamaanka ayaa la ogeyn sida Gudoonka baarlamaanka wax uga qabanayo, gaar ahaan jirdilka lagula dhaqaaqo mudanayaasha marka ay doonayaan inay galaan Madaxtooyada.
Source:Jowhar.