Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Talaalka Cudurka Dabaysha oo dib looga bilaabayo Deegaanada Puntland.

$
0
0

Talaalka_Dabaysha_Puntland_0Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso 25 July,2013 olole balaaran oo looga hortagayo cudurka Dabaysha.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame oo la hadlay Radio Garowe maanta 21 July,2013 ayaa sheegay in ololahan dib uga bilaabayaan Puntland ka dib markii laba maalmood ka hor lagu arkay xaalado magaalada Laascaanood.

Dr.Cali Cabdilaahi ayaa xusay in 71-xaaladood oo cudurkaasi ka mid ah in laga helay koonfurta Somaliya,taasina ay cadayn u tahay in dalka dib ugu soo laabtay cudurka.

Labo tallaal oo hore ayay wasaarada Caafimaadka ka fulisay deegaanada Puntland bilihii aynu soo dhaafnay taasoo caruurta shanta sano ka yar laga tallaalayay Dabaysha,balse wasiirka caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqay inay tallaalka gayn doonan dhulka fog fog sida deegaanada hoos yimaada magaalada Laascaanood si buu yiri looga hortago dhibaatooyinka uu xanbaarsan yahay.

Cudurka Dabaysha ayaa ka mida kuwa socdaala oo la aaminsanyahay in 7 sanno ka dib dib u soo laabashadiisa Somalia inay ka timid dalalka deriska.gaar ahaan markii May lagu sheegay in laga helay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.

Ugu danbeyntii ayaa wasiirka caafimaadku ugu baaqay waalidiinta inay caruurta geeyaan goobaha talaalka si ka hor tag uu u noqdo cudurkan islamarkaasina ka fekeraan dhalaankooda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369