Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Siilaanyo “Wax fudud ma ahan in xilligan Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan”

$
0
0

Siilaanyo3Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aanay xilligan sahlaneyn in Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan, isagoo quus ka muujinayay sida caalamka aanu u daneyneyn.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Al-Jazeera ayuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in Caalamka kala dhaxeeyo wada shaqeyn toos ah, hase ahaatee aanay wax fudud aheyn in loo aqoonsado dowlad madax banaan.

“Caalamka wada shaqeyn ayaa naga dhaxeysa, balse ma fududa in Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan, wali ma aanan helin aqoonsi, markii aan madax banaanida ku dhawaaqnay”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Mar la weydiiyay safarkii uu ku tagay Mareykanka inuu balanqaad ka helay dowladda Mareykanka in dal madax banaan loo aqoonsanayo ayuu tilmaamay in aanay taas ka helin, balse ay u sheegeen inay caawinayaan ayna la shaqeynayaan sida uu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa rajo ka muujiyay in aqoonsi heli doonaan, isla markaana ay sii wadayaan wada hadalada ay la galayaan dowladda Soomaaliya, isla markaana wali ay aaminsan yihiin in labo dal oo jaar ah u wada hadli karaan.

Sidoo kale waxaa uu ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ee ah inay Soomaaliya mid tahay, ayuu sheegay in wali ay qabaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal, waxaana uu tibaaxay inay doonayaan in labada dhinac ay wada jir isula shaqeeyaan.

Somaliland oo dhowaan u dabaal degtay sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya, ayaa wali wax aqoonsi ah helin, iyadoo Caalamka cadaadis ku saarayo in dowladda Soomaaliya la hadlaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles