Doon laga leeyahay dalka hindiya sidayna xoolo ay lahaayen ganacsato soomaaliyeed ayaa koox burcad badeed soomali ah maalin kahor ku afduubteen meel udhow xeebta Magaalada Boosaaso.
Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in habeenkii xalay ay burcad badeeddii Khasab ku noqotay inay ka degaan oo kana baxsadaan goobta iyada oo aan logayn halka ay tageen.
Sikastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ma jirin wax afduub noocan ah oo ay kooxahan burcadbadeeda ah ka geystaan xeebaha Badweynta Soomaaliyeed siiba kuwa ku xeeran deegaanada Puntland.