Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed M. Islaam oo VOAda la hadlay ayaa sheegay in wixii Igad ka soobaxay yihiin wixii maamulkoodu ugu baaqayay dowlada Xamar in ay hogaanka shirka qabato.
Dowlada Xamar ayaa diiday in ay shacabkeeda Jubbooyinka rabitaankooda ilaaliso halka uu Culusow sheegay in uu ka taxadarayo gabadha baadiyaha Hargeeysa ku nool in ay hesho nolol wanaagsan.
Halkan ka Dhegayso Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in sheegasha Hiiraale dowlada Xamar ka masuul tahay. Iyaga ayaa soo diray oo maal galiyay in uu Madaxweyne sheegto ayuu yiri.
Hiiraale ayaa isku caano shubay sheegtayna in uu Madaxweyne yahay iyadoo maalmo kooban uu Kismaayo joogay eeyan jirina wax nidaam ah oo uu katirsanaa oo u suurto galinaya in uu meel ka tirsanaado. Axmed Islaam ayaa sheegay in isagu uu ku yimid rabitaanka shacabka deegaanka iyo wado hadalo socday in ka badan afar sano.