Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa socod ku soo maray magaalada ay Duufaantu dhawaan waxyeeleysay ee ku taala bartamaha Mareykanka ee Oklahoma, isagoo u yaboohay gargaar iyo tageero ay dowladiisu u fidineyso dadkii ka badbaaday duufaanta todobaadkii la soo dhaafay dishay 24 qof.Isagoo ag taagan bur burka dhismo dugsi hoose oo duufaantu ay dhulka ku dartay magaalada moo axadii shalay, ayuu Mr. Obama sheegay inay adagtahay in la fahmo baaxadda dhibaatada, taasoo uu sheegay inay aheyd tii ugu cusleyd ee dabeysha Torneedo ay ka geysato mareykanka.
10 ka mid ah dadka ku dhintay duufaanta ayaa caruur ahaa, waxaana ku jiray todoba arday oo ku sugnaa dugsigaasi bur buray markii ay dabeyshu ku dhufatay.
Duufaantu waxey sidoo kale dhawacday 377 qof, waxana ku bur buray 1200 oo guri, iskuul iyo cusbital.
Qasaaraha ay geystay ayaa lagu qiyaasay 2 bilyan oo dollar.