Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta si rasmi ah u furey imtixaanaaadka Shahaadiga Puntland ka dib boqolaal arday ah oo saaka uu hortagay dugsiga sare ee Gambool magaalada Garowe.
Wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ,wasiirka hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif ,wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr.Maxamed Ducaale ,hawlwadeenada waxbarashada ,macalimiin, maamulka Gambool iyo ardayda galaysay imtixaanka ayaa goobta ku sugnaa.
Wasiir Juxa ayaa sheegay bilowgii in imtixaankan guud ahaan u farsiisanayaan arday gaaraysa 8,515 fasalada 8-aad iyo 12-aad ,halka uu ka raacshay in kormeerayaashu yihiin 73 iyo ilaaliyaasha imtixaanka oo iyana ah 450 xubnood.
Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa ardayda khudbad u jeediyay ugu rajeeyey guul imtixaanka ay u fariisanayaan ee heerka gabogabadada iskuulka ah,waxana uu muujiyay farxadiisa ku aadan inuu kala soo qaybgalo.
”Imtixaankan waxa uu ka tarjumayaa guulihii Puntland ka gaartay waxbarashada sida mideynta manaahijta ,isku mar imtixaanka la galo ,hal shahaado isku meel laga qaato” ayuu yiri Madaxweynuhu oo raaciyey in tusaale u tahay midnimada dadka iyo dalka Puntland.
Ka dib booqashadii Xasan Shiikh ee Garowe ayuu sheegay madaxweynahu inuu amaanay waxbarashada Puntland islamarkaasina codsaday inay gacan ka siiyaan horumarinta guud ahaan waxbarashada Somalia.
Dhismaha Jubaland iyo dhowrista dastuurka DF Somalia ayuu soo hadal qaaday madaxweynuhu oo ku baaqay in midnimada Somalia la dhowro islamarkaasina nidaamka Federaalka dalka laga dhaqangeliyo.
01 June,2013 ayaa la filayaa inuu soo dhamaado Imtixaanka Shahaadiga Puntland oo laga galayo 66 xarumood kuuwasi oo ay galayaan ardeyda 190 Iskuul guud ahaan Puntland.
Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.