Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Feysal Cali Waraabe oo Mar Labaad ka Dhawaajiyay hadal dad Badan ka yaabiyay.

$
0
0

Feysal-Cali-Waraabe

Feysal Cali Waraabe ayaa mar labaad waxa uu ka Dhawaajiyey Hadal Dad badan oo Muslimiin ah ka yaabiyey.

Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyha Xisbiga Mucaradka ah ee UCID kaa oo ka jira Deeganadda Maamulka Somaliland ayaa xili uu Waraysi siinayay Idaacad  lagu magacabo SBS oo ku taal Wadanka Austrelia , kuna hadasha Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Gooni isku taaga Maamulka Soomaliland iyo Dadka ku howlan sidii ay dib ay umideyn lahaayeen Dowladda iyo Maamulkaasi.

Cali Warabe ayaa waxa uu isku mid ku tilmaamay Qofka Fidinaya Diinta Krishtanka ku Dhex fidinaya Islamka iyo qofka doonayo in uu dib u soo celiyo miidnimadda Soomaliya,waxa kaloona uu sheegay qofka ka soo jeeda Deegaanaddaa oo lagu arko isna in uu ka shaqenayo midnimadda Soomaliya in la xiro islamarkana dil Togasho xetaa logu daro.

Gudoomiyha Xisbiga UCUD ayaa mar uu waydiiyay Wariyaha Waraysigani la yeshay oo u shaqeenayay Warbaahinta SBS ee ku tala Austarelia su’aal ahayd khatarta ka imaan karta Hadalkaasi uu ku hadlay ayaa waxa uu ku jawaabay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay Dadaal ugu jirtaa sidii ay Dib ugu soo celin lahayd Maamulka Soomaliland In uu ka mid noqdo Dowladda Soomaaliya dhowana waxaa lagu wadaa in uu dhaco kulan daba socda kulan ay Horay uwada Yesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud iyo M/weynaha Maamulka Somalilnd kaasoo ka dhacay Magaalo Madaxda Dalka Turkiga ee Ankara.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369