Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta la Kulmaya Safiirka Faransiiska ee Soomaaliya.

$
0
0

Siilaanyo1Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay danjiraha dalalka Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan Faransiiska Etienne de Poncins.

Wasriirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabullaahi Cumar oo saxaafadda uga warbixiyay kulanka ayaa sheegay in Siilaanyo iyo Poncins ay ka wada-hadleen cilaaqaadka Somaliland iyo dowladda Faransiiska.

Wuxuu sheegay inay isla soo qaadeen sidii mashaariicda iyo kaalmooyinka ay bixiso dowladda Faransiiska loo soo gaarsiin lahaa Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi Cumar waxa uu sheegay in booqashada safiirka ee Hargaysa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka Faransiiska iyo dalalka uu wakiil-ka uga yahay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles