Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kulan Balaaran oo lagu taageerayo Maamulka Jubbaland oo Bosaaso lagu qabtey(Sawiro+Video).

$
0
0
Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari  ayaa waxa maanta  lagu qabtay kulan balaaran oo lagu taageerayay doorashada madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhismaha maamul goboleedka Jubaland.Maamulka gobolka Bari ,kan degmada Bossaso ,odayaasha dhaqanka ,ururada haweenka ,aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa ka soo qaybgalay.waxana laga soo jeediyey hadalo kala duwan oo lagu bogaadinayo dadweynaha gobolladaasi ku dhaqan sida ay iskugu tashadeen.Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdiamad Maxamed Galan,duqa degmada Bossaso Xassan Cabdala Xassan,Nabadoon Cabdul Qaadir Axmed Ibraahim Xarago iyo Maama Afrika oo ka hadlay kulanka ayaa hambalyo u diray madaxda cusub ee maamulka Jubaland,waxayna ugu baaqeen DF Somalia in ay tixgaliyaan rabitaanka dadweynaha Jubaland.

Maraykanka ,dalalka Yurub iyo Afrika qaarkood ayaa lagu qabtay kulamo kala duwan oo lagu muujinayo taageerada maamul goboleedka Jubaland ee loo doortay 15 May,2013 madaxweyne Shiikh Axmed Madoobe.

Dowlada Federaalka  Somalia ayaa ka soo horjeesatay dhismaha Jubaland iyo weliba doorashada hogaanka sare ,waxana ay ku tilmaamtay mid aan sharci ahayn.iyadoo haatan ay Kismayo ku suganyihiin wafdi ka socda oo xildhibaano u badan kuwaasi oo lagu sheegay guddi dib u heshiisiinta Jubooyinka qaabilsan.

Puntland ayaa kaalinta hore kaga jirtay dhinacyadii sida wayn u taageersanaa in Jubooyinka iyo Gedo laga dhiso maamul goboleed ka tirsan dowladaha federaaliga ah Somalia ,waxana ay ku baaqday in goboladda kale sida Bay ,Bakool ,Shabeelooyinka iyo kuwa dhexe wadadan oo kale maraan si loo dhamaystiro dastuurka qabyada ah.

100_8143

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles