Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all 10369 articles
Browse latest View live

Nin xirnaa dharka dumarka oo Hargaysa lagu qabtay.

$
0
0

imagesTaliska ciidanka booliska ee maamulka Somaliland ayaa ka hadlay nin xirnaa dharka dumarka oo ay ciidanka shalay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, Jeneraal Cabdullaahi Fadal Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan waxa ninkan ku kallifay xirashada dharka dumarka.

Wuxuu xusay in baaritaanka marka uu dhammaado ay soo bandhigi doonaan waxa uu yahay ninka iyo sababta keentay inuu xirto dharka dumarka.

Jeneraal Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ciidanka booliska ee Somaliland ay had iyo goor diyaar u yihiin inay sugaan amniga deegaannada maamulka.

Wuxuu ku goodiyay in cid kasta oo amniga qatar ku ah la soo qaban doono, sharcigana la horgeyn doono.

 


Xukuumadda Soomaaliya oo heshiish dhex dhigtay labadii garab ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya(Sawiro).

$
0
0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiish ku dhex dhigtay labadii garab ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Heshiishkan oo ay garwadeen ka ahayd Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabaha u xaaraya samaynta maamul goboleed ku-meelgaar ah oo ka kooban saddexda gobol ee Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Munaasabid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qab-galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiya Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro, Xubno ka mid ah baarlamanka, hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada, siyaasiyiin Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa lagu saxiixay heshiishkan taariikhiga ah oo soo afjaraya khilaaf dhinaca siyaasaddaa ah oo u dhexeeyey labadii garab kala taageersanaa lixda gobol iyo saddexda goboL ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada dhinac ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dhiso maamul mid ah oo loogu yeerayo Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayso xaqiijinta in Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ay noqdaan kuwa laga wada qaybgalo oo dadka oo dhan metela. In iyadoo beesha caalamka lala kaashanayo ay dowladda Soomaaliya taageero u fidiso dhismaha maamulka Koonfur Galbeed iyo in labada dhinac midkiiba soo magcaabo 5 xubnood oo guddi farsamo ah, iyadoo xukuumadduna ku biirinayso 3 xubnood, waxana guddigaasi uu muddo 10 cisho gudahood ah ku soo diyaarinaa habraaca dhismaha Maamulka Ku-meelgaarka ah. Iyo Weliba in labada dhinac ay 30 maalmood gudhaood ku soo dhammeeyaan hannaanka samaynta Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Heshiishkan ayaa dhinaca garabkii saddexda gobol waxaa u saxiixay Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur (Maddeer), dhinaca Lixda gobolna waxaa u saxiixay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), halka dowladda dhexe ee Soomaaliyana uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo goob-joog ahaan ay u saxiixeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Europe.

Hadalo kooban oo labada garab ee heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo maamul dhisidaddaee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn nu soo dhoweeyey heshiishkan , iyagoo balan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan, waxana ay sidoo kale digniin u direen cid kasta oo isku dayda inay caraqaladayso heshiishkan iyo geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Ugu danbeynti, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey munaasabadda lagu saxiixay heshiishkan waxana uu ammaanay dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyey dhinacyada heshiishka gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Maanta waa maalin weyn oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waa maalin taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.

“ Dhammaan Xubnaha dowladdu waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

“Hawshan waa bilow weli ma dhammaan markaa waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan.Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay na garab istaagaan xilligan aan ku jirno dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya”

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed

Beesha Dishiishe oo Qaadacday Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Ufeyn.

$
0
0

Beesha Dishiishe ee ka Mid ah Beelaha Axmed Harti(Moorcase) ayaa Waxay Qaadacday Golaha Deegaanka ee Degmada Ufeyn ee Dhowaantan La Dhisay.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warbixinta Beesha.

Ku :-Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland.

Ku:-Wasiirka Amniga Dowlada Puntland.

Ku:-Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Ku:-Taliyaha Booliiska G/Bari.

Og:-Madaxweynaha Dowlada Puntland.

Ujeedo:-Mawqifka Beesha Dishiishe ka qabto Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn

Madaxda Sharafta Leh ee ay waraaqdani sida Tooska ah iyo Sida Ogeysiinta ah ugu socotp,naga Gudooma Salaan Xushmad iyo Qadarin iyo Qadarin Leh Salaan ka dib.

Beesha Dishiishe oo Dhul Ballaaran ku leh deegaanada Uurcaleed ,markii ay aragtay Dhismaha Golaha Deegaanka degmada Ufeyn, taasoo ay u aragtay Beeshu sharci darro aan si sax ah loogu qeybin xubnaha golaha deegaanka beelaha dega deegaanadaas ,waxay beeshu soo saartey Baaqaan hoos ku qoran:-

1-iyadoo beeshu ku  leh deegaan ballaaran deegaanka uurcaleed sida(Uurcaleed,Uurkarkaar,Dhoodi,Waxay Beeshu Cadayneysaa in aysan irin wax  wada tashi ah oo lagala sameeyey dhismaha golaha deegaanka degmadaas aan kor ku xusnay.

2-Majiraan xubno Beesha u matalay loona igmada ka mid ahaanshaha Golaha Deegaanka degmada Ufeyn.

3-Beesha Dishiishe Ma Aqoonsana Jiritaanka Golle Deegaan oo Sax oo ka jira Degmada Ufeyn.

4-Deegaamada Beeshu ka degto Dhulka Uurcaleed Ma Hoostagaan mana Xukunto Ufeyn ilaa wax laga Bedelo qaab Dhismeedka Golaha Deegaanka Degmadaasi.

Halkan ka Akhriso Xubnaha Ku Saxiixan Baaqan:-

1-Sharmaarke Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan

2-Sahal Waaberi Firdhiye

3-C/qaadir Maxamed Yusuf

4-Caaqil Yaasiin Maxamed Maxamuud(Danood)

5-Caaqil Liibaan Cismaan Saalax

6-Nabadoon C/qaadir Axmed ibraahim

7-Nabadoon Siciid Barre

8-Ganacsade C/ladiif Yusuf Barre

9-Cumar Ismaaciil Waaberi

10-Barkhad Maxamed Siciid

11-Sheekh Salaal Cabdalle

12-Colonial Cabdi Shir Maxamuud

13-Nabadoon Bootaan Dhunkaal Yuusuf

14-Dr.Cismaan Maxamuud Curad

15-Sheekh C/raxmaan Yaasiin Siciid

16-C/risaaq Suudi Aadam

17-C/qaadir C/laahi Shirre

18-Maxamed Maxamuud Axmed

19-Nabadoon Carab Maxamed Jaamac

20-Dr.Maxamed Faahiye Ciise

21-C/casiis Mahdi Maxamed

22-Eng.C/laahi Cali Cumar

23-Caaqil Maxamed Saleebaan Maxamuud

24-Axmed Cali Xirsi25-Cismaan Cali(Gudoomiyaha Tuulada Tisjiic)

26-Xasan Aadan Finiin(Gudoomiyaha Tuulada Balli Doog).

27-Faarax Huruuse Ismaciil

28-Abshir Faarax Buuxe

29-Yusuf Cismaan Xasan

30-Iscmaaciil Cabdi Barre

31-Abshir Yusuf Buuxe

32-Maxamed Mahdi Maxamed.

1

2

3

Wixii Caawa Ka Dambeeya Dalka Britain Waa Ka Mamnuuc Cunista Qaadka.

$
0
0

Waxaa caawa kadib Qaadka si caadi ah loogu cuni doonin goobaha ay isugu yimaadaan muqayiliinta ee dalka Britain, maadaama waqtigii loo qabtay uu ku egyahay 12:00am ee saacada Britain.

Baarlamaanka Britain, ayaa billo ka hor go’aamiyay in Britain laga joojiyo Qaadka wixii ka dambeeyo 22-ka bishaan aanu ku jirno ee June, wixii ka dambeeyana waxaa dalkaasi looga aqoonsan doonaa daroogada heerka 3-aad ah.

Abuukar Cawaale oo ka mid ah Jaaliyada Somaliyeed ee London ku nool, ayaa wuxuu ka shaqeeyay, sidii Qaadka looga joojin lahaa dalka Britain, taa oo kolkii dambena uu ku guuleystay.

Abuukar Cawaale wuxuu sheegay in ruuxii lagu qabto isagoo ka ganacsanaaya Qaad uu muteysan doono xarig dhan 14 sano, iyadoo ruuxii cunaaya oo lagu qabto uu sheegay in marka hore loo diggi doono, marka xigana lagu ganaaxi doono 60 Pound oo lacagta Britain ah, marka 3-aadna uu mudan doono 2 sano oo xarig ah.
Haweenka Soomaaliyeed ee degan Britain, ayaa ammaan iyo bogaadinba u jeedinaaya Abuukar Cawaale, dadaalka uu ku bixiyay sidii Qaadka looga joojin lahaa Britain.

Waxaa jira Qoomiyada kale oo ku nool dalka Britain oo sida Somalida oo kale dhaqan u leh cunista Qaadka, iyadoo inta badan Qaadka Britain la keeno, looga iib keeno dalka Kenya.

Qaadku waa dhir marqaan kiciye ah, iyadoo dadka ay ka helaan dheecaan qofka ka dhigga mid fir fircoon, laakiin baaritaano lagu sameeyay Qaadka, ayaa waxaa lagu ogaaday in maandooriye uu ku laban yahay.

khat5

Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay Magaalada Gaalkacyo oo habeenkeedii labaad Gashay(Sawiro).

$
0
0

Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay magaalada gaalkacyo oo
habeenkeedii labaad gashay:
Gaalkacyo: waxaa habeenkeedii labaad gashay habeenimadii xalay oo
isniin ahayd  Nadwado cilmiyeeddii 6aad ee kasocotay magaalada
Gaalkacyo ee xaruna Gobalka Mudug , iyadoo xalay cinwaanka muxaadaradu
uu ahaa Macsida iyo raadka xun ee aykuleedahay bulshada, waxaana soo
jeediyay Sh, Aadam Muxamed Cigaal .
Shiikha ayaa kahadlay macsiyada waxa ay tahay sharci ahaan iyo laqa
ahaanba,wuxuu sidookale shiikhu kahadlay qaybaha dunuubta oo uu
uqaybiyay mid wayn iyo mid yar .
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad ugu kudheeraaday waxyaabaha keena
macsidaya iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxlo macaasida , isagoo ka
digay raadadka xun xun oo ay ku keeni karto bulshada iyo waliba
deegaanka,  kuna booriyay bulshada inay ka hortagaan , ayna uga
hortagaan qof walba siduu awoodi karo, isagoo cadeeyay hadaan sidaas
la yeelin dhibaatada ka dhalata macaasida aysan ku koobnaan doonin
cidii samaysay.
Ugu danbayn shiikhu waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeyay sida
macasida looga soo laabankaro isagoo sheegay in looban yahay towbad
nasuuxa ah oo wadata shuruurdihii towbad keenka.
muxaadaradan oo ah tii labaad ayaa waxa ka soo qayb galay
dhagaysigeeda dad wayne aad u fara badan , iyadoo sidoo kale laga
dhagaysanayay goobo badan taas oo ay fududaysay idaacada quraanka
kariimka ee al- xikma.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Maxkamada Masar oo xukuntey Saddex Wariye oo Aljazeera ka tirsan.

$
0
0

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa xabsi ku xukuntey saddex weriye oo ka tirsan Televishanka Al Jazeera ee dalka Qadar. Maxkamadda ayaa sheegtay in saddexdan weriye lagu heley inay faafinayeen warar been abuur ah, isla markaan ay taageerayeen ururka haatan Masar laga xaaraantimeeyey ee Ikhwanul Muslimiin. Peter Greste iyo Mohammed Fahmy ayaa lagu xukumey min toddoba sanno, halka weriyaha 3aad oo magaciisa la yiraahdo Baher Mohamed lagu xukumey 10 sanno,markii lagu heley hub, sida ay maxkamaddu sheegtey.
Maamulka Al Jazeera ayaa dhaleeceeyey xukunkaasi kuna tilmaamey mid ka dhan ah cadaaladda, laguna caburinayo saxaafadda.

Waiyayaal_la_xukumay_1

 

Maleyshiyaadka Sunniyiinta Ciraaq oo Gacanta ku dhigey Warshad Shidaal.

$
0
0

Maleyshiyaadka Sunniyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka Ciraaq, ayaa qabsaday warshadda shidaalka sifeysa ee dalkaasi ugu weyn ee lagu magacaabo Baiji, taasoo ku taalla Waqooyiga Baqdad.

Warshada ayaa tobankii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamay fallaagada iyo ciidammada dawlada.

Warshada ay jahbada gacanta ku dhigtay ayaa sifeysa saddex meelood meel shidaalka Ciraaq, waxaana ay qabsashada durbadiiba keentay in la tashiilo shidaalka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay fallaagada ayaa sheegay in warshadda shidaal sifeynta ee Baiji, oo ku taalla gobolka Salaxuddin lagu wareejin doono qabaa’ilka deegaanka si ay u maamulaan.

Waxa uu intaa ku darray in duulaanka ku aaddan caasimadda Baqdad uu sii socon doono.

Weriyaha BBC-da Jim Muir oo ku sugan magaalada Irbil ee Waqooyiga Ciraaq, ayaa sheegaya in qabsashada warshadda ay muhiim u tahay fallaagada, si ay usii xajistaan goobaha ay qabsadeen, ayna shidaal u gaarsiiyaan magaalada Mosul.

Fallaagada kacdoonka wada ee ay hormuudka ka tahay jabhadda Daacish ayaa qabsaday dhul ballaaran oo Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga caasimadda Baqdad, ayna ku jirto caasimada labaada ee Mosul.

Waxa ay hadda food ku yihiin biyo xireen muhiim ah oo u dhow magaalada Haditha, iyaga oo haatan ay gacanta ugu jiraan dhammaan soohdimaha ay Ciraaq la wadaagto Suuriya iyo Urdun.

140624012941_iraq_baiji_refinery_624x351_reuters_nocredit

Dowlada Britain oo $136 Milyan dib ugu dhiseysa Soomaaliya.

$
0
0

britain-flag-300x221Dowladda Britain ayaa sheegtay inay wado dadaallo dib loogu dhisayo Soomaaliya,gaar ahaan mashaariicda gargaarka iyo horumarka.

Warbixin qoraal ah oo maanta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo looga hadlayay joojinta qaadka ee dalkaas, ayaa lagu sheegay in 80 Milyan oo Pound oo u dhiganta 136 Milyan oo Dollar ay dowladda Britain ugu talagashay barnaamijyada shaqo u abuurista dhalinyarada iyo gargaarka lagu quudinayo carruurta.

Dowladda Britain waxey sheegtay inay ka qeyb qaadatay dadaallada loogu guuleystay burcad badeedda Soomaalida ee dhibaatada ku hayay maraakiibta mara xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan, ayna sii waddo dagaalka lagula jiro kooxaha xag-jirka ah.

Sidoo kale waxa ay tilmantay dowladda Britain inay ka qeyb qaadatay badbaadinta dadka Soomaalida ah, abaartii ka dhacday dalka sanadkii 2011-kii.


Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo shaqo Joojin Sameeyey.

$
0
0

Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan DF isla markasna kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa maanta shaqo joojin sameeyay iyadoona arrintooda ay dabo socotay heshiiskii shalay lagu mideeyay mamulada isku haya mamulka Koonfur galbeed.

Amarka ay shaqada ku joojiyan masuuliyiintan ayaa kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Hawiye oo sheegay inaysan raali ka ahayn qaabkii heshiiska shalay Muqdisho loogu galay.

Nabadoon Maxamd Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan aqbali karin go’aanka lagu xaliyay dhinacyada Baydhabo isku haya,wuxuna ku guudiyay inay shir iskugu imaan doonan kana soo saari doonaan go’aan midaysan.

Xaad ayaa sheegay Labada Shabeelo inuu mamul u dhisan yahay kaasna ay taaguzeersan yihiin balse waxa uu sheegay inaysan marnaba taageeri doonin heshiiska iyo mamulka KMG ah ee saddexda gobal laga dhigay.

Arrintan ayaa waxay dhabar jab wayn ku tahay Madaxwaynaha DF oo ku fashilmay inuu xal waara u raadiyo gobalada Shabeelooyinka,Bay iyo Bakool maadama ay heshiiskii shalay ka hor yimaadeen beesha uu kasoo jeeda.

Xiisad siyaasadeed ayaa docda kale ka aloosan magalada Baydhabo iyadoona heshiiska Xamar lagu saxiixay lagu kala aragti duwan yahay.

Madoobe Nuunow oo sheegtay inuu yahay madaxwaynaha Lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay inaysan waxba ka khusayn heshiiska 11-ka doqob ah ee shalay lasoo saaray wuxuna sidoo kale sheegay inay shacabka gobaladaasi ay doorteen xaqna ay ku taagan yihiin.

Waxa uu beeniyay Nuunow inuu shirkaasi u matalayay Cabdifutaax Geeseey dhankooda aysan cidna u joogin taasina ay cadayn u tahay inuusan ahayn mid lagu dhan yahay waa sida uu sheegay.

QM iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka lagu xaliyay mamulada iska soo horjeede ee Baydhabo balse lama garan karo xaaladu sida noqon doonta maadama laga hor yimi heshiiskii shalay.

unnamed

Boqolaal Weriyayaal ah oo isu soo Bax ka Sameeyey London.

$
0
0

Boqolaal weriyayaal ah ayaa isugu soo uruuray London si ay cabasho uga muujiyaan xukunka toddobada sano ah ee lagu riday saddex weriye oo ka tirsan telefishenka al-Jazeera xukunkaas oo ay riday maxkamad ku taalla dalka Masar.

Maxkamada ayaa dambi ku heshay Peter Greste oo u dhashay dalka Australia, Mohamed Fahmi iyo Baher Mohamed, oo lagu eedeeyey in ay faafiyeen war been abuur ah.

Saddexda weriye waa ay beeniyeen dacwadaha lagu soo oogay waxaana la filayaa in ay racfaan ka qaataan xukunkaasi.

Madaxweynaha Masar Abdul Fataax al-Sisi ayaa talaadadii sheegay in aanu faragelin doonin go’aanka ay gaartay maxkamada, oo uu ku tilmaamay mid madax banana.

Cambaareyn caalami ah ayaa looga jawaabay xukunkaas oo lagu tilmaamay mid laga noxo isla markaasna loo arko in uu yahay mid caburinaya xoriyadda saxaafada

Cabashaada Weriyayaasha:-

Shaqaalaha BBC-da oo ay weheliyaan weriyaal kale oo ka socda warbaahinada kale ee caalamka ayaa xarunta BBC-da ee London isugu yimid, waxayna halkaas ka sameyeen hal daqiiqo oo aamusnaan ah.

Sawirada weriyaasha BBC-da ee caalamka ayaa laga baahiyey telefishenka BBC-da, iyadoo qaarkood uu afka dabooshay, sitana qoraalo ay ka mid yihiin ‘wariyenimadu dembi ma aha”.

Agaasimaha wararka ee BBC-da James Harding ayaa sheegay in xukunkaasi uu cadaalad darro yahay. Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qaahira ayaa sheegaya in in kastoo si xooggan loo cambaareeyey xeriga weriyayaasha, in haddana warbaahinta Masar ayaa si ka gedisan sidaasi.

65627_10152311617574475_8676389452359492778_n

Wafdi Somaliland ah oo Taleex Gaarey.

$
0
0

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan ayaa maanta socdaal aan horay loo shaacin ku tagay degmada Taleex oo ka tiran deegaanada Puntland.

Wasiir Xisri oo la hadlay BBC galabta ayaa ku guudiyay Degmada Taleex inay ka tirsan tahay deegaanada Somaliland ayna u tageen sidii loogu guur gali lahaa xaalada ay dadka ku nool ku sugan yihiin iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaskaasi.

Xirsi ayaa sheegay Cuqaasha iyo waxgaradka Taleex inuu la kulmay kalana hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin beelo kusoo kala gaaray Taleex iyo sidii nabada looga shaqayn lahaa isagoo hadlaya ayuu yiri”waxanu qaramaynay ilaaa 150ciidan ah oo qalabkoodii wata waxanu keenay 15-kun oo kiitaal oo raashin ah”.

Ciidamo hubaysan oo Somaliland ka socda ayaa ku sugan duleedka waqooyi ee magalada Taleex kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa waxayna Madaxtooyadda Hargaysa sheegtay Gobalka Sool inuu ka mid yahay Somaliland isla markasna aan wax gor gortan ah laga gali karin.

”Waxanu xoojinaynaa mamulka ,dadka deegaanka iyo rabitaankooda ayaan xoojinaynaa waxanu jecel nahay inaysan ciidamayada cid kale isku dhicin,cid nagu qasabtayna ma jirto ”Xirsi Xaaji ayaa yiri.

QM ayaa dhinacyada isku haya Taleex ugu baaqday inay isaga baxaan halkaasi si xasiloonida dadka looga shaqeeyo balse jawaabo kala duwan ayay Puntland iyo Somaliland ka bixiyeen iyagoona kala sheegtay Gobalka Sool.

Puntland ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin socdaalka wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ay ku joogaan degmada Taleex oo Puntland ka tirsan iyadoona maalmihii ugu danbeyay ciidamo maleeshiyo ah ay dhaq-dhaqaaqyo kala duwani ay halkaasi ka wadeen.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ”Gaas” waxaa isi soo tarayay duulaanta iyo qaylada mamulka Somaliland ay ku hayaan gobalka Sool iyadoona taariikhda markii ugu horaysay ay noqotay in madaxwayne Somaliland uu socdaal ku tago degmada Laasqoray oo ka tirsan dhulka Puntland.

000000000000000000

Ra”iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Saacid oo saaka diyaarad khaas ah Muqdisho ka qaaday(Sawiro).

$
0
0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon  (Saacid) ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib muddo ka badan 5 bilood oo uu ku sugnaa Muqdisho, waxaana garoonka Muqdisho ka qaaday diyaarad khaas ah oo dowladda Imaaraadku usoo dirtay.

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qaar kamid ah xubnaha golihii Wasiirada Xukuumaddii uu hoggaaminayey, Safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku sugnaa Muqdisho tan iyo markii uu xafiiska baneeyey horraantii sanadkan waana masuulkii ugu horreeyey ee dalka ku nagaada markii uu xilka ka dagay.

Mudane Saacid ayaa sheegay inuu dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono, isagoo u rajeeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed Nabad iyo barwaaqo.

IMG_2161

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka iskaga dagay kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay kala laabtaan kalsoonida Xukuumaddiisii.

IMG_1948IMG_1954IMG_1965IMG_1969IMG_1977IMG_2017IMG_2027IMG_2028IMG_2039IMG_2041IMG_2057IMG_2063IMG_2064IMG_2071IMG_2074IMG_2094IMG_2096IMG_2103IMG_2110IMG_2080IMG_2092IMG_2112IMG_2119IMG_2137IMG_2140IMG_2142IMG_2152IMG_2153IMG_2155IMG_2156IMG_2158

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka oo ka horyimid Nabadeynta dowladiisu ka hirgalisay Koonfur Galbeed(Dhegayso).

$
0
0

image (2)Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goobax Bare oo ka hadlay heshiiska dowladiisa ay shalay dhex dhigtay labadii garab ee isku hayay maamulka Koonuf Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay aqoonsigii dowladu ay aqoonsatay in hal maamul ay ku midoobaan gobolada Bay, Bokool iyo Shabeelada Hoose, si loo adkeeyo Xasiloonida Goboladaasi, dib u hesheesiin buuxdana looga gaaro gobolada Koonfur galbeed  ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmamaay isagoo ka jawaabaya Beeqii ay soo jeediyeen Odayaasha Beelaha Hawiye in dadaaladii nabadeed ay ku howlaneed Xukuumadiisu  ay tahay mid shardci daro iyo xadgudub ah.

Taliyeyaashii Ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo xilalkii laga qaaday.

$
0
0

Taliyeyaal_la_bedelay_FTPMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo abaanduulihiisii, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, isagoo saraakiil cusub u magacaabaya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xilalkan u kala magacaabayo, Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo noqonaya taliyaha ciidamada xoogga Somalia iyo Jen. C/llaahi Cismaan Cagey oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada xoogga.

Goor-dhow ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo magacaabidda labada taliye ee cusub ee loo magacaabay xilalka taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ku xigeenkiisa.

Lama oga sababta keentay in madaxweynuhu uu xilka ka qaado labadan mas’uul oo sannadkii hore uu u magacaabay, iyadoo tani ay imaanayso xilli madaxda dowladdu ay dhawaan sheegeen inay isbedel ku sameyn doonaan hoggaanka ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo garsoorka.

Qaban-qaabada ku dhawaaqista taliyeyaasha cusub ee ciidamada xoogga dalka ayaa hadda socota, iyadoo wararka laga helayo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegayaan in tani ay qayb ka tahay isbedel lagu sameynayo taliska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Caanood iyo Cagey ayaa waxay horay u ahaayeen taliyeyaasha guutooyinka labaad iyo saddexaad ee ciidamada xoogga dalka, balse waxaa xilalkaas ka eryay taliyaha hadda la bedelay, iyadoo saraakiishan ay qeyb weyn kasoo qaateen dagaalladii lala galay Al-shabaab.

Dad badan ayaa rumeysan in labadan sarkaal ay isbedel ku keeni doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo haatan mararka qaarkood loosoo jeediyo dhaliilo ay ka mid yihiin inay ka qaybgalaan dagaallo beeleedyo gobollada dalka qaarkood ka dhaca.

 

Jaaliyadaha Puntland,Jubbaland iyo Ururka Sahal oo War-Saxaafadeed Wada Jir ah Soo Saarey.

$
0
0

a_12790War-saxaafadeed si wadajir ah ay uso saareen jaalliyadaha Puntland, Jubbaland Iyo ururka SAHAL ee Yurub iyo waqooyiga Ameerika.

Ku: Dowladda Federalka Soomaaliyeed
Ku: Gurbajoogta Soomaaliyeed dhammaantood
Og: Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliyeed sida Puntland iyo Jubbaland
Kadib xidhiidh iyo wada hadalo qotodheer oo ay wada yeesheen jaalliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Yurub iyo waqooyiga Ameerika iskagana waraysteen aragtida iyo fikirka jaaliyadeed ee ay kaqaban shirkii dhawaan xubno iskood isu abaabulay oo jaalliyadaha Soomaaliyed kamid ah ay kuyeeshan magaalada Istanbul ee ee wadanka aynu walaalaha nahay ee Turkey. Waxaay go’aansadeen in war-saxaafadeed ay u dhanyihiin kuna aadan kullankaas ay si wadajir ah u soosaaran.
Jaaliyadahan kor kuxusan ee Soomaaliyeed waxaay taageersan yihiin cidkasta oo u kacda una hawlgasha badbaadinta, samatabixinta iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, waxaay si hagar la’aan ah uga qaybqaateen iskudayo badan oo lagu raadinayo is-afgarad buuxa Soomaalina dani ugu jirto in jaalliyadaha dibaddu islagaadhan walina arrintaas waa mid ka go’an labadan jaalliyadood ee walaalaha ah.
Xagalo geel wax gunti lagaliyo kaweyn:
Taarrikhdu waa wax qoran oo aan laduudsiin karin meesha ay leedahay, waxaa Soomaali kadheregsan tahay dadaalada Soomaalinimo ee jaalliyadahani ugaleen sidii khilaafaadka looga fogaan lahaa dalkii iyo dadkiiba wax muuqda loogu qaban lahaa. Hase-ahaate markii xal waara laraadinayo wax lawada leeyahayna lasameynayo waxaa daruuri lagama maarman ah in wada hadal, iswaraysi iyo wadatashi laga hormariyo talaabo kasta oo danta iyo magaca dadka oodhan wadata. Si khilaafaadka iyo kala shakiga looga fogaado muhiim ah in go’aankasta oo laqaadanayo dhinacyo badan laga eego lana hubiyo in uu waxtar iyo dhaxal waara u leeyahay ummadda, iyo in uu waafaqsan yahay duruufaha waaqiciga ah ee kajira jaalliyadaha dibadda dhexdooda.
Danaha qarsoon ee laga lahaa shirkaas fashilmay:
Waxaa ujeedka ugu weyn ee kulankan ahaa in lasamaysto dalad huwan magaca jaalliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda si looga qaybgalo shirarka Soomaalida iyo kuwa danaha Soomaalida looga hadlo. Shirku niyada kuma hayn wax Soomaali iyo Jaalliyadaha midkoodna manfac iyo dhaxal uleh, sidaas awgeedna jaalliyadahan waxaay u arkaan nasiib daro iyo ayaan daro horleh oo lagu kalaqaybinayo laguna kala fogaynayo jaalliyadaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Sidaas awgeed, waxaa labadan jaalliyadood ee walaalaha ah faalayn badan oo ku aadan shirkaas shikhsiyaadu qabsadeen kadib go’aan saden sidan:
1: In jaalliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika aysan aqoonsanayn una hoggaansamayn qodobadii iyo guddoonkii kasoo baxay shirkii 22 bishan kusoo dhammaaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkey.
2: In shikhsiyaadkii kaqaybgalay shirkaas aysan kamid ahayn jaalliyadaha deegaanada ee hore uga jiray dibadda islamar ahaantaana aan cid wakiilatay una igmatay kaqaybgalka kullankaas aysan jirin sidaas awgeedna aysan sharciyad jaalliyadahooda kahaysan.
3: Shirkaasi in uu ahaa mid dano gaar ah laga-lahaa una afduubnaa ururo qabiil iyo shikhsiyaad nacayb iyo xiqdi hore ugu  caanbaxay, lagana rajo qabin wax wanaag ah oo ay ummadda Soomaaliyeed u horseedaan.
4: In jaalliyadahan Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya aqoon-yahanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay u hawlgali doonan sidii shir loodhan yahay kana salbalaadhan kan fashilmay ay abaabulidoonan si jaalliyadaha dibadda ee Soomaaliyeed loo siiyo fursan ay kugorfaynayaan kuna dhisanayaan jaalliyad oo dhanyahay ujeedkeeduna yahay midaynta maskaxda ,muruqa iyo maalka qurbo joogta Soomaaliyeed.
5: In shirkaasi kadhicidoono gudaha dalkii meesha iyo wakhtigana dib laga soo sheegidoono.
Soosaarayaasha war-saxaafadeedkan:
Guddoomiyaha jaalliyadda Puntland ee UK: Pro Cabdiqaadir Faarax Jibriil
Guddoomiyaha golaha qurbajoogta Jubbaland (JDF): Mudane Cumar Yuusuf Qaladiid
Guddoomiyaha ururka SAHAL Mudane Cabdirashiid Daahir Axmed
Guddoomiyaha dhallinyarada iyo ardayda jaamacadaha ee reer Puntand ee wadanka UK
Mudane Maxamed Suldaan Siciid Cismaan

Golaha Wasiirradda Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii ay gaareen Dhinacyadii Isku Hayey Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

$
0
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn, kaasoo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana golaha wasiirradu si wadajir ah u soo dhaweeyeen qodobadii ka soo baxay heshiiskii ay shalay gaareen dhinacyadii khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadu inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur Galbeed, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah , dadka wada daga deeganadaasina si caddaalad ah ay u dhistaan Maamul KMG ah oo ay ku midaysan yihiin ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga mudane Khaalid Cumar Cali oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in si qotadheer uga doodeen golaha wasiirradu heshiiska isla markaana ay si wadajir ah u ansixiyeen qodobadii kasoo baxay heshiiska ay gaareen dhinacyadii muddooyinkaan isku khilaafsanaa maamullada Koonfur Galbeed Soomaaliya

“Kulankii goluhu isugu yimid caawa waxaa looga hadlay heshiiskii ay shalay gaareen dhinacyadii isku khilaafsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, heshiiskaan wuxuu qeyb ka yahay aragtida Xukuumadda ee dhinaca dib u heshiisiinta. Xukuumaddu waxay door muuqda ka qaadanaysaa hirgelinta heshiiskan iyo in la dhamaystiro wixii ka dhiman. Waxaana sidoo kale goluhu soo jeediyey in dowladdu diyaar u tahay in laga qanciyo heshiiskii shalay dadka dhaliisan, xukuumaduna isku howlayso sidii is faham loo dhex dhigi lahaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka oo dhinaca kale tilmaamay in uu heshiiskaan waddada u furi doono amaanka oo hagaaga iyo in la qaado olole dagaal oo ka dhan ah kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay shalay wada gaareen dhinacyadii khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qodobadii lagu hishiiyay waxaa kamid ahaa in la dhiso maamul KMG, iyadoo la sameeynayo guddi arrimahaas ka shaqeynaya oo kala matalaya dhinacyada hishiiska saxiixay iyo dowladda Soomaaliya.

unnamed (3)

Sh.Muxamed Macalin oo Booqday Dawrada ay Munadamada Beder ka wado Gaalkacyo(Sawiro).

$
0
0

Gaalkacyo : Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin Axmed ku booqday
Ardayda wax kabarata Dawrada ay Munadamada Beder ee Ardada kabaxday
Machadka Al-Faaruuq kawado Magaalada Gaalkacyo laguna Qabtay Jaamacada
Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa waxaa ku weheliyay Maamulaha Machadka
Al-Faaruuq Sh.Cilmi Yuusuf  Axmed , Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj
ee Dacwada iyo Horumarinta Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise , iyo Xubno
kale oo Mu’asasada katirsan.

Ujeedka Booqashada Sh.Muxamed Macalin ayaa waxaa ay ahayd sidii uu
Waano iyo Dardaaran ugusoo jeedin lahaa Ardada uguna dhiiri galin
lahaa inay sii wadaan Barashada Diinta oo aysan ku ekayn Dawradaan oo
kaliya.

Sh.Muxamed ayaa waxaa uu ardayda uga waramay Faaidada iyo Fadliga
dheeriga ah ee Barashada Diintu ay leedahay waxaana uu sheegay in
Qofka uu Alle khayrka la doono uu fahansiiyo Diinta iyada oo Barashada
Diintuna ay tahay Wadadii loo marayay Fahanka diinta.
Dawrada oo ay ka faaidaysanayaan Rag iyo Dumarba ayaa waxaa Sh.Muxamed
Macalin uu aad ugu dheeraaday WaanadaGabdhaha oo ah Hooyooyinka
Mustaqbal , islamarkaana ah Tirada ugu badan ee Ardayda ka
faaidaysanaysa Dawrada.

Dawrka Dhaliyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Alle iyo Fidinteeda
ayuu Sh.Muxamed Macalin ku dhiiri galiyay inay kasoo dhalaalaan oo ay
u gutaan si qurux badan ayna ku daydaan Dadkii ka horeeyay iyada oo
kaalinta Dhalinyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Allana ay
iskugusoo biya Shubanayso in Dhalinyaradu :-
•       Ay Cilmiga Shareecada Bartaan.
•       in ay ku Dhaqmaan Cilmiga ay Barteen.
•       in ay ka fogaadaan Khilaafka iyo kala taga Dadkana ay ugu digaan.
•       in ay ku dadaalaan isu soo dhawaynta Quluubta Dadwaynaha Muslimiinta ah.
•       in ay Dadka caawiyaan ayna Wanaaga faraan Xumaantana ugu digaan.
•       in ay aad ugu dadaalan Dadka inay Dacwada u gaarsiiyaan Qof  , Qof.
•       in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Dacwada Diinta Islaamka.
iyo kuwo kale oo fara badan.
Si kastaba ha ahaateen Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin ku tagay
Dawrada ka soconaysa Jaamacada Bariga Afrika ee ay ay qabanayso
Munadamada (Urur) Beder ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hawlo Dacwo oo
Shiikhu uu u joogo Magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka).

DSC09253 DSC09256 DSC09257 DSC09274 DSC09276 DSC09279

Ra”iisulwasaare Cabdiwali oo U Ambabaxay Dalka Equatorial Guinea, Kana Qayb Galaya Shirka Madaxda Africa

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaas oo ka dhici doono shirweyne ballaaran oo isugu imanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo kamid tahay ujjeedka socdaalkiisa iyo xaalado bani’aadamnimo oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobollada dalka.

“Aniga iyo Wafdiga ila socda waxaan uga qeyb galaynaa dalka Equatorial guinea shirka madaxda Africa, waxaana inta aan ku sugan nahay dalkaas la kulmi doonaa hoggaamiyaasha dalalka Africa oo kala hadli doono arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaan mandiqada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale tilmaamay qeybo kamid ah gobollada dalka in ay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadkooda tabaalaysan.

“Waxaa nasoo gaaraya deegaano badan oo dalka kamid ah inay ka jiraan xaalad bani’aadamnimo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay caawiso dadkaas dhibaataysan si loogu helo xal maangal ah oo waafaqsan bani’aadamnimada., waxaan maanta la kulmay guddi ka kooban Hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka qaabilsan oo Soomaaliya soo booqday si ay xaaladaha jira wax uga qabtaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tilmaamay dadka ku nool gobollada Koofureed iyo kuwa dhexe ay wajahayaan cunto iyo biyo yari, kaddib markii ay daaheen roobabkii la filayay meelaha qaarna ay go’doomiyeen kooxaha nabad-diidka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mar labaad soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda iyo Seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, isagoo tilmaamay dowladdu inay diyaar u tahay cidii wax ka tabanaysa heshiiskaas in wada hadal lagu dhammeeyo,

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkaan soo saartay digniin tan la mid ah oo sheegeysa in ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro ay dad badan ku dhintaan haddii aan si dhaqso ah gargaar la gaarsiin gobollada Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay khudbad ka jeediyey xafladda 26-ka Juun(Sawiro).

$
0
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xurroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanakeenna Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay Muqdisho ayaaa waxaa goob joog ka ahaa, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka diinta iyo owqaafta, wasiirka warfaafinta, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, wasiirka dhallinyarada iyo ispoortiga,wasiirka ku xigeenno, Xildhibaanno, Gudoomiyaha Gobollka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda ayaa marka hore hambalyo ku aadan 26-Juun u diray dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba ay caalamka ugu nool yihiin ee magaca Soomaaliyeed sheeganaya caawa waa u ciid, waxaan rabaa inaan iraahdo ciid wanaagsan, waa maalintii ugu horeeysay ee calan Soomaaliyeed dhul Soomaaliyeed oo xur ah laga taago, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu weyneyaa maalintaasi ku asteysan maanta” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan umadda Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “dhibaato waay dhacday waxbadanna way naga qaldameen hasa ahaatee taasi macanaheedu maaha in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiineynaa Ilaahey idinkiis,”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 26 juun 1960-kii ay umadda Soomaaliyeed u istaagtay in ay qaadato kaalinteeda. “ maalintaasi wixii ka dambeeyey Somaaliya waxay u istaagtay in ay kaalinteed qaadato, halgankaasi meel ayuu soo gaaray oo aan dhisanay calankaasi baluuga ah. ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayey midnimada umadda Soomaaliyeed ayaa yiri. “Maanta waan ka fusrado badannahay maalintaas, waan ka aqoon badan nahay, waan ka tiro badan, waana ka xoolo badan nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseeysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si wallatinimo leh iyo is jacayl ayey ku soo laabaneysaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si gaar ah hambalyo ugu diray dadka ku nool magaalada Hargeysa oo ah meeshii ugu horesay ee calanka Soomaaliyeed laga taago. “Sigaar ah waxaan hambalyo u leenahay dadka ku nool magaalada Hargeysa oo ah halkii maalintaasi laga taagay calanka Soomaaliyeed, waxaan lee yahay hambalyo, waxaan kaloo idin lee yahay Ramadan Kariim”

Madaweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga suraan calanka Soomaaliyeed maadaama lagu jiro Todobaadkii xurriyadda. “Todobaadkan waxaa la yiraahdaa Isbuucii xurriyadda, waxaan ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed in calanka Soomaaliyeed ee quruxda badan ee leh midabka baluuga ah ee xidigta dhaxda ku leh in guri kasta iyo goobaha ganacsiga laga taago, waxaan rabnaa inay ka muqato dalka isbuucii heybada , isbuucii sharafta”.

Ugu dambeyntii, Saqdii dhexe ee caawa markii ay munaasabadda soo gaba-gaboowday lana gaaray xiligii calan saarka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxdii kale iyo bulshada ka soo qeyb gashay dhammaan waxay u istaageen calan saarka iyada oo goobta calanka Soomaaliyeed lagu saaray.

unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11)

Ururka Nabada iyo Cadaalada Somalia oo soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya.

$
0
0

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo Qiiradda dhabta ah(somaalinimo)leh ku hadleeyna waxaanu si diiran,taageero buuxdda leh.

kalsooni iyo masuuliyad qarameed ku dheehan tahay,niyad sami ku soo dhoweeyneynaa Hadalka Xurmadleh Proff. Xasan Sh.Max’ud Madaxweynaha D.F.Somaaliyeed ku qeexay dhibaatadda, khasaaraha iyo qaran jabka eey leeyihiin dagaalada Sokeeye (Hab beeleedka ah (isirka) ama qaab Qabyaaladeed muddan 24 sano ka socday iyo ka hor-ba dhiiga Muwaadiniinta lagu daadinaayeey (wax guul ama faa’iido laga dhaliin) balse khasaare dhimasho, dhaawac, barakiciin, colaado joogto ah, fidno iyo naceeyba Somaalidda dhexdeedda iyo belaayo huriin dhaxalkoodu noqday (ayaan darro iyo murugo joogto ah iyo gunimo) hoose u dhaca maqaamkii iyo karaamadii qoomidayeed, xurmadii walaalnimo, xeerkii iyo dhaqankii milgo gobeedka iyo hufnaanta dadnimada ku fadhiyeey, Nacam Dagaaladda Sokeeye waa guusha kuwa nabad, nool iyo dowladda diidka ah cadoowga ummadda somaaliyeed.

Urur ahaan waxaanu qireeynaa in hadalkaas Xurmadle-Madaxweyne Proff- Xassan Sh.Maxamuud xaqiiqadda jirta, xaaladdaha murugadooda leh, dhibka dhiiga daadanaaya, xadgudubyadda, xasuuqyadda iyo dhaqanka dhul boobka ku saleeysan oo qeybo dalkeena hooyo ka mid ah ka socdda iyo sidda uu u dareemay masuuliyadda diineed,qarameed iyo mida Akhlaaqeed ka saran Ummadda u Madaxweynaha u yahay(niyad samida,rajo wanaag,wax- qabad muuqdda,xil gudasho dhab ah,hanaan cadaalad,hufaan maamul, hogaamin toosan iyo dhex-dhexaadnimo ka filaayeey sida weyn uGu farxay doorashadiisii cajiibka aheyd)balse xoogaa niyad jab ah iyo gaabis dhinacyo badan leh ka dareemay iyo dhinac la safasho(eex iyo aragti beeleed leh)runtiina dhaawac weyn ku noqotay xilkiisa iyo xurmadiisa Madaxweyne-nimo,waxaanu oran kareeynaa moowqifkan ayaa waxyaabo badan oo mugdigooda iyo shakigooda lahaa meesha ka saari doona hadii hadalkaas geesinimada ku saleeysan ficil loo roggo,anagoo Mar walba taageero iyo la-duubnimo danta guud ku saleeysan la garab taagneeyn Xurmadle-Madaxeyne-Xassan iyo Dowladda F.Somaaliyeed).

Shaki kuma jirro in Hadalka Madaxweynaha ka turjumaayo xaaladaha dhibaatadooda weyn leh,xanuunkooda iyo murugadooda joogtada ah leh sida joogtada ah uga dhacaaya:-Degaamadda Maamulka Khaatumo State iyo Degaamadda G/Sh/Hoose ku saleeysan colaad beeleed,isir naceeyba,dhul bood, xasuuqyo iyo gumaad xad dhaaf ah(gar-darro,kibir iyo garasho xumo ku saleeysan) dowladda somaaliyeed hogaankeeda sare daawade ka ahaa intii muddo ah kuna dhaliilan yahay,degaamada Sh/Hoose colaada ka aloosan waa mid duulimaad cad ah,xasuuqyadda iyo barakiciinta ka socdaana yahay mid qorsheeysan(dulmi iyo dhul bood isir naceeyb ah) ku saleeysan(Islaanimada,Somaalinimada iyo xeerarka xurmada basharka ka baxsan)waayihii colaadaha,dagaalada sokeeye iyo sii kala fogeenta Walaalaha Somaaliyeed dib u soo nooleeyeey(ayaan darro dheh)runtiina taageerid iyo gacan ku lahaansho Madax Dowladeed loo nisbeeynaayo.

Duulaanka qorsheeysan,dagaalka hab isireedka cunsuriyadda ku fadhiya iyo weerarka joogtada ah Rajiimka SNM-ta Waqooyiga Somalia ku hayaan Maamulka Khaatumo State Of Somalia waa mid hadaf dheer iyo ujeedo cad oo Qaranimo diidnimo,midnimo ka cararid iyo dumiinta maqaanka dowlada Somaaliyeed, waana duulimaad xasuuqyo iyo gumaad badan geeysteey soo jitameeyeey sano iyo sano, balse jebin kari waayeey derbiga adag ku dhisan Qaranimo difaacid, midnimo illaalinta iyo karaamo dhoowridda tirarka u ah(Khaatumo State)balse waxaa ayaan daradeeda leh gaabinta iyo xaq ka aamusida dowladu muujisay iyo weliba mararka qaarkood si luqad dadban iyo xagliin dhinaceeysan mujisay(ayaan daro eh)hadalkan Xurmadle-Madxweyne-Xassan oo si weyn u soo daahay ayaa taageero iyo dhiiri-gelin mooryaal ahaaneed u noqon karaaya Maamulka wadaniyadda u taagan(Khaatumo iyo kuwa dhigiisa ahba)eeyna haboon tahay in hadalku ficilkiisa oo dhab ah yeesho,taageero dhab ahna la arko(dowladu si cad oo qeexan u gaarsiiso Beesha caalamka iyo ururdda heer gobol iyo heer caalam-ba ah gar-daradda,duulaanka iyo colaad Isireedka SNM-ta ku heeyso Dhulka iyo Dadka Khaatumo State Of Somalia(Alloow Guul xaq ah, dulmiguna suul-aamiin) mudnaanta waxaa leh walaalnimadda,deris iyo degaan wadaaga iyo midnimo Somaaliyeed Cadaalad leh iyo dawlnimo ku sleeysan xaq sor,garsoor dhab ah iyo raacidda dastuur xalaal ah.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)

-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-Jun-25-2014.

unnamed (8)

Viewing all 10369 articles
Browse latest View live