Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all 10369 articles
Browse latest View live

Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo Soo Gabagabeeyay Booqashadii uu ku joogay dalka Imaaraadka.

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gabagabeeyay safarkii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa mudadii ay joogeen halkaasi waxa ay kulamo kala duwan kula qaaten Madaxda dalkaasi,iyagoona islameel dhigay in horay loo sii wado xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Jabuuti,oo uu uga sii gudbayo wadanka Kenya,wuxuuna la kulmayaa Madax iyo Duplamaasiyiin Caalami ah.

Safarada Kenya iyo Jabuuti ka dib Madaxweynuhu wuxuu dib ugu laabanayaa magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland.

images


Dowlada Ciraaq oo Sheegtay in Caalamku Meel Cidla ah uga Tegay.

$
0
0

Madaxda Ciraaq ayaa sheegay in beesha caalamka ay meel cidla ah ugu tegeen kaddib markii ay soo weerareen dablay jihaad doon ah oo Sunniyiin ah.

Afhayeen u hadlay Ra’iisalwasaare Nuri Al-Maliki ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka, Europe iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay caawiyaan.

Dowladda Ciraaq ayaa gooni ahaan Mareykanka uga codsatay inuu ka kaalmeeyo dhanka cirka dagaalka ay kula jirto kooxda ISIS.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo lagu magacaabo General Martin Dempsey, ayaa xaqiijiyay codsigan ay Ciraaq soo gudbisay, balse sarkaalku muusan sheegin in Mareykanka uu aqbalay codsiga laga dalbaday iyo in kale.

Madaxweyne Barack Obama ayaa weli eegaya codsiga.

Obama waxa uu ka fakarayaa fursadaha milateri ee u banaan, waxa uuna la kulmayaa madaxda Congress-ka iyo golaha amniga qaranka.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka, Jay Carney, ayaa sheegay in aanay haatan jirin ciidan Ameerikaan ah oo la geyn doono dhulka Ciraaq.

Waxuuna intaasi raaciyay in Maraykanku uu eegayo danihiisa ammaanka qaranka ka hor inta aanu tallaabo qaadin.

800px-Flag_of_Iraq.svg

Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka dhoofay Boosaaso dibna ugu laabtay magaalada Hargeysa.

$
0
0

11-150x150Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa saaka dib ugu laabatay magaalada Hargeysa ka dib markii uu isla saaka diyaarada ka soo raacay garoonka diyaaradaha Bander Qaasim ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,isagoo ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa abaarihii 10:35 daqiiqo. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey culimo iyo madax ka tirsan S/land waxaan uu isla manta uu Khudbadii Jimce uu ka akhriyey Masjidka Towfiiq ee magaalada Hargeysa.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa safar dacwadeed oo qaatay mudo saddex bilaad ah oo uu ku soo maray deegaano badan oo ay soomaalidu degto waxaa la filaayaa in maalinta beri ah uu dib ugu laabto magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Weriye Yusuf Keynaan oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho.

$
0
0

Weriye Yusuf Keynan oo Qarax Miino Lagula Beegsaday Muqdisho
Inaa lilaali, Wa Inaa Ilaahi Raajicuun.
Saaka abaara 7:40am aroornimo, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Weriye Yusuf Keynan, oo u shaqeyn jiray idaacadaha Mustaqbal radio ee magaalada Muqdisho iyo Idaacadda Ergo ee magaalada Nairobi ee Arrimaha bani’aadannimada.
Yusuf Keynan ayaa goob joogayaashu sheegeen in uu miinada loogu xiray baabuurkiisa ayna ku qaraxday isagoo maraya agaagaarka Hotel Muna ee degmada Xamarweyne. Inaa Lilaahi, Wa Inaa Ilaahi Raajicuun.
Wixii Warar ah ku soo kordha waan idinla socodsiin doonaa….

unnamed

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali “Qaraxii lagu dilay wariye Keynaan waa mid laga dheehan karo nacaybka ay nabaddiidku u qabaan saxaafada xorta ah”

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, oo ku geeriyooday qarax saaka lagu xiray gaarigiisa. Wariyaha ayaa ka mid ahaa suxufiyinta ka howlgala Idaacadaha Mustaqbal iyo Ergo oo ka shaqaysa arrimaha bani’aadamnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kalena u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabtii uu la shaqaynayay. Wuxuu caddeeyay in ay dawladdu sii wadi doonto dagaalka ya kula jirto kuwa gumaadka ku haya Soomaaliyeed.

Rai’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri:

“Innaa Lillaahi wa inaan ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Wariye Yuusuf Abuukar, dhammaan ummadda Soomaaliyeed, eheladii iyo asxaabtiisana Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

“Dilka loo geystay wariye kenyaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatada ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah. Waxay laamaha ammaanku dadaal ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan dambiileyaashii dilkan naxdinta leh geystay si sharciga loo hor keeno.

“Runtii aad iyo aad ayay ii dhibaysaa inaan maqlo muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay qarax ama la dilay. Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan laamaha ammaanka si looga adkaado dadka dulmiga ka dhex wada ummaddeenna”

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

unnamed (1)

Nicholas Kay oo Cambaareeyey dilka wariye Keynaan.

$
0
0

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo saakay lagu dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay soo baaraan kooxihii soo maleegay dilkaas qorsheysan ee lagu dilay weriye Yuusuf Keynaan, isla markaana caddaaladda la hor keeno.

Ergeyga ayaa u jeediyay howl-wadeennada warbaahinta in ay feejignaadaan isla markaana ay ka taxaddaraan ammaankooda xilliyada ay shaqeynayaan.

Nicholas Kay ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo warbaahinta uu ka tirsanaa Yuusf Keynaan.

Allaha u naxariistee, wariye Yuusuf Axmed Abuukar Kaynaan ayaa ahaa tafaftiraha Radio Mustaqbal, wuxuuna sidoo kale la shaqeynayey idaacadda arrimaha bini’aadanimada ka hadasha ee Ergo.

Yuusuf Keynaan oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu mustaqbalka wanaagsan ee dhinaca saxaafadda Soomaaliya, ayaa dhowaan ku guuleystay abaal-marino kale duwan.

kay-300x200

 

Dagaalkii Dowlada iyo Sunniyiinta dalka Ciraaq oo weli Socda.

$
0
0

Booliska dowladda Britain ayaa doonaya inay aalada internetka ka saaraan muuqaal muujinaya rag British ah oo ka barbar dagaalamaya jabhadda ISIS ee jihaad doonka ah ee ka dagaalanta wadammada Suuriya iyo Ciraaq.

Muuqaalkan Video-ga ah lama cadaynin waxa uu yahay, Balse ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron, ayaa sheegaya in jabhadda ISIS ee jihaadka wada ay Britain ku tahay khatar weyn.

Haras Rafiiq, waa la taliye ka faalooda arrimaha argagaxisada waxuuna sheegayaa in Jabhadda ISIS ay tahay mida ugu lacagta badan argagaxisada aduunka ayna doonayaan inay calaamka xukumaan kuna fidaan.

Rafiiq waxuu intaasi raaciyay in ISIS ay ka khatar badan yihiin kooxda Al-qaacidah.

Aabe dhalay laba jihaadiyiin ah oo ka tagay waddanka Britain si ay ugu biiraan dagaalka ka socda Suuriya, ayaa ka codsaday boqolaal u dhalatay Britain oo ku lug leh kooxaha xagjirka ah ee gobolka in ay joojiyaan dagaalka oo ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Mid ka mid ah wiilasha Axmed Muthana, oo lagu magacaabo Naasir, ayaa waxa uu ka soo muuqday Video ay Jimcihii soo dhigeen barta internetka kooxda xagjirka ah, iyagoo ugu baaqay reer galbeedka inay kusoo biiraan dagaalka ka socda wadammada Suuriya iyo Ciraaq.

140619155354_iraq_isis_512x288_getty_nocredit

Dr.Cali Macow Aweys oo Garoowe Lagu Soo Dhoweeyey(Sawiro).

$
0
0

Waxa maanta magaalada Garowe lagu soo dhaweeyay Dr.Cali Macow Aweys oo ka mid ah dhaqaatiirta qurba joogta ee ka shaqaysa dalka Jarmarka.

Maamulka Garowe,wasiiro iyo dadwayne kale oo aad u faro badan ayaa Dr.Macow soo dhawayntiisa ka qayb galay kuwaasoo muujiyay inay ku faraxsan yihiin in Dhaqtarkani uu markii ugu horaysay Puntland yimaado.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuure Cilmo ”Koor”ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahan in Dr.Macow uu Puntland yimaado isla markasna addeef caafimaad oo lacag la’aan ah ka bilaabo.

Dr.Macow oo dhankiisa hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inay farxad galinayso sida diirran ee loogu soo dhaweeyay magalada Garowe wuxuna tilmaamay inuu dalka ka maqanaa 45-sano.

”Waxan aad ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyay magalada Garowe run ahaantii horay uma arag sida la iisoo dhaweeyay,waxan kusoo talo galay in Puntland joogo mudo saddex bilood ku dhow oo aan barnaamij caafimaad ka bilaabo”.

Xarunta ugu wayn ayuu sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu ka dhigo magalada Garowe isla markasna uu kasoo guuro Dalka Jarmarka oo uu ku lee yahay Isbitaal wayn.

Waxauu sidoo kale sheegay inuu ku taqasusay caafimaadka guud balse si gaar ah uu xooga u saray xanuunada wadnaha.

DSC05666-1024x768

DSC05629 DSC05630 DSC05631 DSC05632 DSC05633 DSC05634 DSC05635 DSC05636 DSC05637 DSC05639 DSC05640 DSC05641 DSC05642 DSC05643 DSC05644 DSC05645 DSC05646 DSC05647 DSC05648 DSC05649 DSC05650 DSC05651 DSC05652 DSC05653 ??????????????????????????????? DSC05655 DSC05656 DSC05658 DSC05659 DSC05660 DSC05661 DSC05662 DSC05663 DSC05664 DSC05665 ??????????????????????????????? DSC05667 DSC05668 DSC05669 DSC05670 DSC05671 DSC05672 DSC05674 DSC05675 DSC05676 DSC05677 DSC05678 DSC05679 DSC05680 DSC05681 DSC05682 DSC05683 DSC05685 DSC05686 DSC05688 DSC05690 DSC05691 DSC05692 DSC05693

 

 


Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka Warbixiyey waxqabadkii Dowlada ee todobaadkan.

$
0
0

downloadWasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Wadatashiga Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka, horumarka laga sameeyey dib-u-heshiisiinta, Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud oo si rasmi ah u howlgalay, Madaxweynaha oo gaaray Bakol, Waajid, Jowhar iyo Mahaday. Xeerka Saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyey Suxufiyiin Soomaaliyeed, Somalia iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiiska ka mid noqoshada ACP, iyo Ansixinta Baarlamaanku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegist Dastuurka.

Wasiirka oo ka hadlayey Wadatashiga Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka ayaa yiri “Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isbortiga ayaa bilowday wadatashiyo lala yeelanayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo ujeedadu tahay in dhalinyarada laga qeybgaliyo dejinta Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka, si dalku u yeesho siyaasad ay ka soo qeybqaateen dhalinyarada oo lagu horumarinayo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen shaqooyin, waxbarasho tayeysan, oo weliba ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen siyaasadda dalka. Dowladdu wey ka go’antahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dhiiri gelin lahaa inay dalkooda u istaagaan.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhanka dib u heshiisiinta ayaa yiri “Dowladdu usbuucii la soo dhaafay waxey ku guuleysatay in collaadihii ka jirey gobolka Gedo inay ku soo afjarto si nabad ah oo dib u heshiisiin waarta la dhex dhigay qeybihii halkaas ku dagaalamay. Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhiga iyo xildhibaanno Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in kooxihii ku dagaalamay Beled Hawo la dhex dhigo dib u heshiisiin waarta oo madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qeybqaateen, sidoo kale maamulka Jubba oo Madaxweyne ku xigeenkooda iyo maamulka Gedo ee Dowladda Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyeen sidii dagaaladaas loo joojin lahaa oo maanta aan ku faani karno in dib u heshiisiin waarta la isla qaatay oo ah siyaasadda dowladda oo khilaaf walba oo jira loo baahanyahay in lagu xaliyo si nabad iyo dib u heshiisiin ah. Dhanka kale Wasiirada Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Wasiirka Gaashandhiga, ahna Sii Hayaha Amniga Qaranka ayaa hay’adaha amniga ka howlgaliyey degmada Marka oo ay weli socoto waanwaantii iyo dib u heshiisiintii kooxihii halkaas ku dagaalamay oo madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay kala shaqeynayaan Dowladda.”

Wasiirka oo ka hadlayey Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud oo si rasmi ah loo furay ayaa yiri “18kii June ayaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka si rasmi ah u furay xafiiska Hanti-Dhowlrka Guud oo la rajeynayo inuu si fiican uga howlgalo sidii dhammaan hay’adaha dowladdu ay ugu shaqeyn lahaayeen si maamul wanaag ku dhisan. Hanti-Dhowrka Guud waxuu ka howlgalayaa sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Hanti-Dhowrka Guud waxuu ku yimid hab furfuran oo tartan loo wada galay, ujeedaduna ay tahay in la horumariyo maamul wanaaga dalka iyo Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda oo maanta aan ku faani karno inay marayaan marxalad kalsooni siiyey deeq bixiyeyaasha caalamka.”

Wasiirka oo ka hadlayey Madaxweynaha oo booqday degmooyinka qaarkood ayaa yiri “18kii June Madaxweynaha waxuu gaaray Jowhar iyo Mahaday oo uu soo dhagax dhigay Jaamicaddii ugu horreysey ee laga hirgalinayo degmada Mahaday oo Jaamicadda Banadir ay hirgelineyso. Ujeedaduna tahay in waxbarashada la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka dalka. Madaxweynaha ayaa shacabka Mahaday halkaas kula hadlay una ballanqaaday in dowladdu ay gaari doonto dhammaan deegaanada dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa gaaray Bakol iyo Waajid oo uu shacabka deegaanadaas la kulmay una soo kuurgalay xaaladooda. Bakool iyo Waajidna waxaa lagu guuleystay in la gaarsiiyo gar-gaar deg-deg ah iyadoo kooxaha nabad diidka ah ay halkaas go’doomiyeen, hase yeeshee dowladda waxaa ka go’an in la gaaro dhammaan shacabka iyo deegaanada dalka oo dhan.”

Wasiirka oo ka hadlayey Xeerka Saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyey Suxufiyiin Soomaaliyeed ayaa yiri “18kii June ayaa Guddiga dib u eegista Xeerka Saxaafadda ay Nairobi ku qabteen shir wadatashi lala yeelanayey Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi. Ujeedada kulankan wadatashiga ayaa qeyb ka ahaa la tashiyo in muddo ah la soo waday si Xeerka Saxaafaddu u noqdo mid soo maray marxaladihii kala duwanaa isla markaana loo aruuriyo fikradaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed si Xeerka u noqdo mid ay Suxufiyiintu ku qanacsanyihiin. Kulankan wadatashiga oo aan qadka telefoonka uga qeyb galay ayaa waxaa aad ii dhiiri geliyey sida suxufiyiinta Soomaaliyeed ay diyaarka ugu yihiin inay horumarka warbaahinta dalka uga qeybqaataan. Waxaana u ballanqaaday in Xeerka Saxaafaddu uu wax weyn ka bedeli doono dhanka warbaahinta oo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helayaan xaqooda. Khamiistii 19ka June ayaan Xeerka Saxaafadda hor dhigay Golaha Wasiirada oo si fiican uga soo baarandagaya si shirka danbe ay u ansixiyaan.”

Wasiirka oo ka hadlayey Heshiiska ay Somalia iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen ee ka mid noqoshada ACP ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cabdiweli Sheeikh Axmed iyo Madaxa Midowga Yurub ee Horumarinta Mr Andris Piebalgs ayaa magaalada Nairobi 19kii June ku kala saxiixday heshiis ay Somalia uga mid noqoneyso waddamada ku bahoobay Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP). Dalka Soomaaliya ayaa ka maqanaa muddo 25 sano ah xubin kamid noqoshada iyo ka shaqaysiinta heshiiskii Cotonou oo ay ku wada jiraan dalalka ACP. dhanka kale Midawga Yurub ayaa maanta ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan 400 Milyan oo doolar oo ah lacaga lagu caawiyo dalalka ku jira ACP oo Midowga Yurub ay qayb ka tahay. Kaalmada Midowga Yurub waxaa ka faa’iidaysta dalalka xubnaha ka ah ACP iyadoo loogu tala galay in lagu fuliyaa mashaariicda dhismaha nabadda, xasiloonida, kobcinta dhaqaalaha, yaraynta faqriga, iyo horumarinta maaliyadda. Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi ah oo Somalia u horseedaya inay hesho Kaalmooyinka Midowga Yurub ay siiso dalalka ku bahoobay ACP.”

Wasiirka oo ka hadlayey ansixinta ay baarlamaanku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa yiri “Ansixinta ay Baarlamaanku 19kii June 2014 sida aqlabiyadda leh ugu ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waa horumar weyn oo laga sameeyey nidaamka Dib u eegista Dastuurka Somalia. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda. Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”

Dr.Maxamuud Cumar Cabdiraxmaan (Qablan) Waa Dhakhtar Soomaaliyeed oo ku Dayasho Mudan.

$
0
0
Dr.Maxamuud Cumar Cabdiraxmaan (Qablan) ayaa  Dhakhtar Soomaaliyeed oo ku Dayasho Mudan.
Halkan Hoose ka Akhriso Heerarka Waxbarasho ee uu Dr.Qablan Soo Marey.
Dr.Maxamud Cumar Cabdiraxman(Qablan) dugiga hoose dhexe wuxuu ku qaatay iskuulka imam shafici ee bosaso dugsiga sare wuxuu ka baxay iskuulka xamdan bin Rashid al maktuum ee Magaalada Boosaaso 2005-2006.
Dr.Qablan wuxuu u aaday Waxbarashadii jaamacada dalka sudan wuxu bilaabay kuliyada caafmaadka sanadkii 2007 jaamacada la yiraahdo international university of Africa faculty of medicine and health science wuxuu dhameeyay kuliyadaas 2012.
Sanadkii 2012 wuxuu bilaabay houseman ship ama internship sanad loo yaqan oo wuxuu ka shaqeeyay afar Hospitaal oo waawayn oo ku kala yaala magaalada Khartoum iyo wadmadani isbitaaladaasi waxay kala yihiin :-
1-bashier hospital uu kushaqeeyay cudurada ku dhaca dumarka iyo dhalaanka.
2-turkey hospital uu ka shaqeeyay qaliinka.
3-wadmadani hospital uu ka shaqeeyay cudurada ku dhaca dadka waawayn iyo uurku jirta.
4- Ibrahim malik hospital oo uu kashaqeeyay cudurada ku dhaca caruurta.
Dr.qablan wuxuu Somalia uga qayb galay shirar Caafimaad oo international ah waxaa ka mida shirarkaas:-
1-international conference of cardiovascular disease oo looga hadlayay cudurada ku dhaca wadnaha oo ka dhacay friendship hall sanadkii 2012.
2-international conference of obstetric and gynecological disease and neonatology oo ah cudurada ku dhaca haweenka ilma galeenka iyo ilmaha dhalanka ah 2012.
3-international conference of pediatric oo kadhacay friendship hall sanadkii 2012 4-international conference of chest medicine oo kadhacay hotel rotana al salam 2013.
dr qablan waxa uu qaatay course farabadan si uu naftiisa u dhiso waxaana ka mid ahaa:-
1-Emergence medicine diploma oo uu ka qaatay machadka loo yaqan blue nile.
2- ECG isla machadkaas.
3- Advance trauma life support .
4- Hospital management Khartoum university.
5-Human resource management Khartoum university.
6- Project management university of Khartoum.
Dr. qablan wuxuu asaasay labo urur oo caafimaadka ka shaqeeya oo la kala yiraahdo pioneer health organization iyo Somali doctors association in sudan   oo uu kan hore ka noqday gudoomiye sanadkii 2012,kan labaadna uu ka noqday xoghaye dr qablan waa qofkii ugu horeeyay oo ka talaala ardayda sudan waxkabarata iyo dadka degan wadankaasi cudurada looyaqan indhacaseeyaha (hepatitis B)iyo cudurka loo yaqan qoorgooye (meningitis) cudurka beerka ku dhaca ee hepatitis waxa uu ka talaalay arday gaaraysa 1750 arday  cudurka qoorgooyahana 350 arday.
dr qablan waa dhakhtar firfircoon aqoon yahana howlkara wuxuu doonayaa inuu wadankiisa wax u qabto oo horumar gaarsiiyo dhinaca caafmaadka.
1148820_10202664521551531_1434519778_n
tariikhdu markay ahayd 20/6/2014 mar uu booqday wasiirka caafmaadka puntland dr sadiq eenow ayuu u yeeray dr qablan si uu usiiyo warbixin guud ee ardayda caafimaadka ka barata dalka sudan wasiirkuna wuxuu u sheegay in wadanka looga baahan yahay dr qablan oo uu dadkiisa u shaqeeyo waxna taro wadankuna uu u baahan yahay maadama uu yahay dhakhtar firfircoon.
10394796_10203839786052409_3895248685773865326_n 10454324_10203839787692450_8582437204466106199_n 10462484_10203852202882822_7254262594269297609_n 10471413_10203852205842896_2635678284986750207_n 10505627_10203852200962774_8941031640910914637_n unnamed (1)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood(Sawiro).

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa maanta kulan booqasho ah oo qaatay saacado badan la yeeshay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warramay Madaxweyne Kenyatta horumarrada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda dalka Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalinta ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaga jiraan sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah.

Ra’iiusl Wasaaruhu wuxuu Madaxweynaha Kenya uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee Lamu oo lagu qaaday dadka rayidka ah iyo saldhigga booliska. Wuxuu sidoo kale, isagoo tixraacaya inay shalay ahayd Maalintii Qaxootiga Adduunka, uga mahadnaqay dadka Kenya sida ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu soo dhoweeyeen Kenya dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

“Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo walaalo ah. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ah ee u dhexeeya labadeenna dal. Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya sida ay noogu garab taagan tahay inaan hagaajinno amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Waxaan Madaxweyne Kenyatta ka wada hadalnay arrimo badan oo danaha labada dal ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii aan u fulin lahayn heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee la gaaray. Waxaan dooneeynaa inaan hore u sii wadno xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isla markaana aan iska kaashanno dadaal walba oo danta gobolku ku jirto,” ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhiniciisa, wuxuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, isagoo ballan qaaday in ay dawladdiisu ku dadaaleeyso sidii ay u taageeri lahayd horumarkaas una xoojin lahayd iskaashiga labada dal. Wuxuu intaa raaciyay in dawladdiisu ay dhowaan si rasmi ah safaarad uga furan doonto magaalada Muqdisho.

“Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo waana saaxiib, waxaa naga go’an in aan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dawladood. Si taa loo sii hagaajiyo, waxaan dhowaan magaalada Muqdisho dib uga furi doonnaa safaaraddeenii. Shacabka Kenya iyo Soomaaliya waa dad isku mid ah oo dano fara badan ay ka dhexeeyaan. Waan sii wadi doonnaa inaan garab taagnaanno shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, mana jiri doonaan caqabado naga hor istaagaya in aan si wadajir ah uga hortagno kuwa khatarta ku ah amniga labada dawladoodba,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

NADWO CILMIYEEDKII SANADLAHA AHAYD OO GAALKACYO KA BILAABATAY(SAWIRO).

$
0
0

NADWO CILMIYEEDKII SANADLAHA AHAYD OO GAALKACYO KA BILAABATAY:
Gaalkacyo: habeenimadii xalay oo ku beegnayd 22- june -2014, ayaa waxa kabilowday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka mudug Nadwado cilmiyeedkii sanadlaha ahayd, nadwadaan oonoqonaysa tii 6aad oo lagu qabto Magaalada Galkacyo .
Nadwadaan ayaa lagu wadaa inta ay socoto lagu falaqayn doono mawaadiic muhiim ah oo taabanaya bulshada.
Nadwadan ayaa waxa kaqayb galaya culumo awdiin ay ka mid yihiin:-
1-Shiikh C/casiis shiikh Cali.
2-Shiikh Aadam Muxamed Cigaal.
3-Shiikh Muxamed Macalim Axmed.
Iyo sheikh C/casiis Axmed Aadam.
Culumada ayaa inta ay nadwadu socoto soo jeedin doona canaawiin ay ka mid yihiin:-
فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم
المعاصي وأثرها السيء في المجتمع
إصلاح القلوب أهميته وعلاجه
أحكام الصيام
التوبة والرّجوع إلى الله مع الختام.
xalay oo ahayd habeenkii 1aad ee nadwada ayaa Shiikh C/casiis shiikh Cali waxa uu soo jeediyay, mowduucii ugu horeeyay ee nadwada, oo ah Fadliga cilmiga iyo aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga.
ugu horayn shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadalka fadliga uu cilmigu leeyahay , isagoo soo qaatay adilo badan oo cadaynaysa fadliga cilmiga iyo barashadiisa.
intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga.
Nadwadan ayaa sida lagu wado socondoonta muda shanmaalmood ah.

20140621_193710 20140621_193728 20140621_193737 20140621_193748

Shirkada Shell ee dalka Nederland oo Laga Diiday Puntland inay Shidaal ka Qodo.

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa qaadacday heshiis ay Dowlada Soomaaliya  la gashay Shirkad la yiraahdo Sheel oo shidaal ka doonaysa Somalia gaar ahaan Puntland heshiiskaas ayaana ka dhacay wadanka Netherland.

Agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dhoola-waa oo la hadlay BBC ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in Dowlada Federaalka  heshiis shidaal la gasho Shirkado shisheeyo wuxuna muujiyay inaysan raali ka ahayn howlaha ay wado Dowladda Muqdisho xili uu wali go’an yahay xiriirka wada shaqaynta labada dhinac.

Dhoolawaa ayaa sheegay Puntland inay awood u lee dahay inay lasoo baxdo shidaalkeeda iyadoo aan cidna kala tashan wuxuna wax laga xumaado ku tilmaamay waraysi uu maalinkii shalay BBC siiyay masuul ka tirsan Dowlada Federaalka oo sheegay inay dib usoo celinayaan wada shaqayntii shikada Shell iyo dowladda Soomaaliya ka dhaxeeyay.

Waxa uu sheegay inuu wax ka khuseeyo wada hadalka Dowlada Federaalka  iyo Shirkada Shell sidaasi darteedna aysan raali ka ahayn xiriir kasta oo Dowlada Federaalka lasoo samayso Shirkadaha doonaya arrimaha Shidaalka ee Soomaaliya.

Xiriirka Puntland iyo Dowlada Federaalka  ayaa wali go’an waxaana jira wada hadal hoose oo labada dhinac u dhaxeeya taasoo dadka siyaasada Puntland la socda ay sheegayaan in si hoose loo dhameeyay dhamaan arrimihii la isku hayay.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku eedeyay madaxda Dowlada Soomaaliya  inay wax ka badal qiyaano ah ku sameeyeen dastuurka KMG ah mana jiro ilaa iyo hada wax kasoo naaso cadaaday gudd uu Dr.Gaas arrimaha la isku hayo u saaray.

images

Saddex ka tirsanaa Alshabaab oo lagu dilay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

$
0
0

Saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in xalay ay dileen saddex ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab, oo soo weerartay saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Ceelbuur.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur, Maxamed Kaahiye Caraale oo Warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna  kala wareegeen hub ay ka carareen.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyadu ay horey usii qaadatay dhowr kale oo ka dhaawacmay.

Maxamed Kaahiye ayaa xusay inay hayaan meydadka saddexda ay ka dileen maleeshiyada soo weerartay saldhigga.

Wuxuu tilmaamay in dhankooda wax khasaare ah uusan soo gaarin, ayna ku raad joogaan maleeshiyada Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

ceelbuur2

World Pulse Launches our Inaugural Community Advisory Board!

$
0
0

community_advisory_boardLast month World Pulse celebrated World Day for Cultural Diversity for Dialogue and Development with the launch of our inaugural Community Advisory Board! This group will help fulfill World Pulse’s need to draw on the wisdom of our global community to advise our organization as we grow and develop new visions. Six women’s empowerment champions and long-time World Pulse community members generously volunteered to spearhead the initiative.

On May 21st, the advisory board kicked off with its first Skype call, joining members from four continents in a celebratory conversation full of laughter and excitement about their visions for their new role.

The Community Advisory Board will serve as representatives of our online community to give input and recommendations to World Pulse’s staff and board of directors on important issues, projects, and organizational developments, and help generate new ideas and feedback to improve World Pulse’s value to the community.

You can follow their activities and connect with them here on the new World Pulse Community Advisory Board group page!

Meet Leina, Dayanara, Jacqueline, Olutosin, Sahro, and Stella, our new advisory board members:


photo

flag Chi Yvonne Leina

CAMEROON

Chi Yvonne Leina is a journalist, health worker, social change agent, and an unquenchable voice for African women. A crusader against harmful traditional practices that jeopardize the rights of women and girls in Cameroon, Leina has enlightened more than 20,000 women and girls on the dangers of breast ironing. She now provides writing and digital training to high school girls in the northwest region of Cameroon.


photo

flag Dayanara Marte

UNITED STATES

Dayanara is a phenomenal woman, healer and cultural worker, community activist, and citizen journalist creating healing spaces for women to heal from trauma, oppression, violence, neglect and poverty in mind, body and spirit. She stands for awakened voices and women liberated, leading the world from a place of full self-expression of their power.


photo

flag Jacqueline Patiño

BOLIVIA

“Let’s change the conversation in the world” sums up Jackie’s advocacy over the past four years. She has fostered community within social networks from humble beginnings to present-day wide reach. She now faces the biggest challenge in her digital journalism career—to help a new democracy for her country blossom.


photo

flag Olutosin Oladosu-Adebowale

NIGERIA

Olutosin is a social innovator, social entrepreneur, women’s rights activist, citizen journalist, poet, and an expert in transformation. She has trained more than 600 women in Nigeria and India in income-generating activities, such as upcycled crafts. In 2014 she launched her award-winning Trash to Treasure and Abused Women to Assets trainings.


photo

flag Sahro Ahmed

SOMALIA

Sahro is a Somali-Dutch gender and governance specialist, with over 10 years of experience in institutional reform, civil society development, women’s empowerment, and human rights advocacy. She is an experienced trainer, a poet, and manager of both projects and people, as well as a Goodwill Ambassador with Globcal International Cooperative.


photo

flag Stella Paul

INDIA

Stella Paul is a journalist and press fellow of the United Nations who looks at environmental and development issues through a gender lens. She is also a media trainer who teaches women from vulnerable communities how to use mobile phones and social media for self-defense and social change.

The Community Advisory Board wants to hear your ideas about how World Pulse can better represent you and your visions for change. Contact them here»

Ra”iisulwasaare Cabdiwali oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyey socdaalkii uu ku tagay Nairobi(Sawiro).

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baryihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ka socday labada gole ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo saxaafadda kula hadlay garoonka Aaden Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka tirsan dowladda Kenya iyo wakiilo ka kala socda Hay’ado caalami ah. Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Nairobi ayaa ahayd ka qeyb galka kulanka 99-aad ee dalalka ku bohoobay African, Caribbean, and Pacific Group of States , laguna soo gaabiyo (ACP) kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi.

Ugu horreyntii R.W Cabdiwali ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta marxuum Wariye Yuusuf Abuukar Keynaan oo shalay u geeriyooday qarax lagu xiray gaarigiisa.

“Dalka Kenya waxaan u tagnay wada hadalo ku saabsan adkaynta xiriirka naga dhexeeya oo aad la socotaan inaan wadaagno wax badan anagoo isla soo qaadnay arrimaha Qaxootiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhinaca kale tilmaamay Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya si nabad gelyo ah in dalka loogu soo celin doono ciddii diyaar u ah inay dalkooda ku laabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi wuxuu saxiixay hedshiis dhexmaray Midowga Yurub iyo Soomaaliya , heshiiskan ayaa daba socda marki dhawaan Soomaaliya loo ogolaaday ka mid noqoshada Heshiiska Cotonou.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mudadii uu ku sugnaa Kenya wuxuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalka Kenya sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana ay si gaar ah iskula soo qaadeen xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo arrimo kale oo kamid tahay dagaallada lagula jiro kooxaha Nabad-diidka ah iyo qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku sugan mudada dheer.

unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Xulka Gobolka Nugaal oo Ku Guuleystay Koobka Gobolada Puntland(Sawiro).

$
0
0

Xulka Gobalka Nugaal ayaa sanadkii labaad oo isku xigta ku guulaystay horyaalka gobalada Puntland ka dib markii uu Galabta ciyaartii ugu danbaysay uga badiyay laadadka xorta ah Xulka Gobalka Sool.

Labadan Gobal ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay waxana daawaneyay madaxwayne ku xigeenka Puntland,labada golle ee dowladda,mamulka Gobalka iyo Kumanaan dadwayne ah kala taageeray Sool iyo Nugaal.

Agaasimaha guud ee ciyaaraha iyo dhalinyaradda Axmed Cabdalle Tigaana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka u qabsoomtan ciyaarta ugu danbaysay ee koobkan wuxuna sheegay labada gobal inay soo bandhigeen ciyaaro wanagsan.

Garoonka Mira Awaare ayaa laga dareemayaa dabaal-dega ay samaynayaan taageerayaasha xulka Gobalka Nugaal kuwaasoo tilmaamaya inay guul muhiim ah ka gaareen ciyaartii galabta.

Captanka Xulka Gobalka Sool Cabdisalaan Axmed Jaamac ”Dhiidhiiyo” ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee ay ciyaartu usoo dhamaatay wuxuna muujiyay inuu kula faraxsan yahay guusha Nugaal maadama ay guushu Gobal un ay raaci lahayd.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Ciise ayaa sheegay inay taariikhi u tahay guusha uu galabta gaaray xulka matalaya Nugaal wuxuna sheegay inuu dadaal xoogan saari doono sidii ciyaaraha Gobalkan loo horumarin lahaa.

IMG_0267

 

Hay”addaha UN-ka oo Saluug Amaan ka Muujiyey Deegaanada Puntland.

$
0
0

Xili ay isi soo tarayaan wararka sheegaya in QM ay saluug amaan daro ka muujisay Puntland ayaa waxaa la sheegayaa inay qorshaynayaan sidii Puntland loo keeni lahaa ciidamo gaar ah oo Qaramada Midoobay ka socda si ay u sugaan amniga xarumaha ay lee yihiin.

Si arrimahan looga wada hadlo ayaa madaxwaynaha Puntland loogu yeeray magalada Nayroobi si loogu gudbiyo qorshaha UN-ka ee la xariira sugida Amniga xarumaha ay Puntland ku lee yihiin maadama cabsi laga qabo kooxda Alshabab inay saamayn ku yeelato xarumahooda.

Dhowaan ayay ahayd markii Askari ka tirsan ciidanka Gobalka Mudug uu si bareer ah labo Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda UNODC ugu toogtay garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo taasoo saamayn ku yeelatay Puntland gaar ahaan xiriirkii UN-ka iyo madaxwayne Gaas.

Jawaabtii ay Puntland arrintaasi ka bixisay ayaa noqotay mid qancin wayday QM waxayna kaliftay in xarumaha ay Puntland ku lee yihiin si aad ah loo adkeeyo.

Xarunta QM ee magalada Garowe waxaa ilaalo gaar ah ka haya ciidamada Puntland kuwaasoo ku waar diyaynaya gaadiidka dagaalka maadama ay beesha Caalamku isha ku haysto Puntland iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya madaxwayne Gaas inuu la kulmayo saraakiil sar sare oo beesha caalamka ka socda si looga wada hadlo qorshaha UN-ka ee dhanka amniga xarumahooda Puntland ku aadan.

Lama yaqaan ilaa iyo hada sida ay Puntland u dhigi doonta fikirkeeda ku aadan amniga xarumaha QM ee Puntland maadama inta badan shaqaalihii cadaanka ahaa digniin loo jeediyay.

xaruntaUN-Garowe1

Madaxweyne Xasan Sheekh. “Dhaqanka waa meesha ay umadi ka nooshahay waana ku faaneynaa dhaqankeenna”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay bandhig dhaqameed ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Isaanka Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda C/lahhi Maxamed Nuur, Xildhibaano iyo boqolaal dadweynaha ah ayaa ka qeyb-galay bandhigga.

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bandhig dhaqameedka gaba-gabadiisa ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad-celiyey qaban-qaabiyayaasha barnaamijka.

“ Waxaan rabaa inaan marka hore u mahad-celiyo qaban-qaabiyayaasha barnaamijkan quruxda badan, waxaa ammaan gaar ah mudan Hobollada Waabari ee bandhig xiiso leh sameeyey kaas soo socday galabta ilaa caawa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqanku yahay meesha umadi ka nooshahay isaga oo Wasaaradda Warfaafinta ku dhiiri geliyey inay sii wado bandhigyada sidaan oo kala ah isla-markaana gaarsiiso gobollada dalka oo dhan.

“Dhaqanka waa meesha ay umadi ka nooshahay waana ku faaneynaa dhaqankeena. Boqalaal sanno ayaa dhaqanka leysku soo gudbinayey, waa inaan Taariiqdeennii hore heynaa mid cusubna sameynaa. Wasaaradda Warfaafinta waxaan ku dhiiro gelinayaa inay sii wado gobollada dalkana gaar-siiso” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday bisha barakeysan ee Ramadaan iyo Todobaadka xurriyadda ee ay labaduba nagu soo fool leeyihiin.

“Dhawaan waxaa nagu soo socda labo arrimood oo muhuum ah. Mid waa bisha barakeysan ee Ramadaan.Waxaan leeyahay Umadda Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed Ramadaan Kariim. Aynu ka faa’iideysano ajarka ay leedahay bisha Ramadaan, ha leysku naxariisto, midba midka uu ka roon-yahay ha afuriyo. Sidoo kale waxaa nagu soo socda Todobaadka xurriyadda sida 26 Juun, 27 Juun iyo 1da Luulyo oo ah maalintii midnimada. Waxaan lee-yahay aanu weyneyno maalmahaas taariikhiga ah. Waa maalmo qiimo ku leh dhammaan Soomaalida”. ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federealka Soomaaliya ayaa mahad gaaar ah u jeediyey Saxaafadda Soomaaliyeed ee caawa si toos ah u tabineysay barnaamijka Bandhig Dhaqameedka.

unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17)

Jaaliyada Puntland ee Dalka Switzerland oo Hambalyo Udireysa Kooxaha Kubada cagta ee Gobolada Nugaal iyo Sool.

$
0
0

Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka switzerland ayaa Waxay  u hambalyo u diraysaa kooxda kubada cagta ee gobolka nugaaal iyo weliba gobolka sool dadaalkii dheeraa ee ay usoo mareen hanashada Koobka Kubada Cagta ee Deegaanada Puntland Garoowe uga  Socday.

Jaaliyadu Waxay si Kal iyo Laab ah Hambalyo ugu dirayaan Labada Kooxdoos ee Ka kala Socday Gobolada Nugaal iyo Sool,kuwaas oo Samafinal ku kala Haray.

Waxay labadda Kooxoodba Jaaliyadu ku dhiiri Gelinaysaa inay Dadaalka Halkaas kasii wadaan,si bey yiraahdeen aad darajo Sare oo ilaa Heer Qaranka Ah aad u  Gaartaan.

Galabnimadii Shalay ayaa waxa Koobka ku Guuleysatay Kooxda Gobolka Nugaal,iyadoona ka badisey Kooxda Gobolka Sool.

IMG_0267

Guul Guul Guul.

 

Viewing all 10369 articles
Browse latest View live