Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib usoo Nooleeyay Dagaal oogayaashii Dalka.

$
0
0

MN_SOM_President7MADAXWAYNAHA AYAA DIB USOO NOOLEEYAY DAGAAL OOGAYAASHII

Waxaa xusid mudan in magaalada caasimada u ahaan jirtay soomaaliya MOGDISHO ay kajireen qabqablayaal dagaal oo kala haystay xafadihii ay ka koobneed kuwaas oo ah halbeel laga soo bilaabo 1991-2004.dhaqan xumadii dagaal oogayaashii halkaa kajiray marabo in aan ka faaloodo laakiin waxaan ku koobayaa,nin waliba xaafaduu haystay waxay ku hayeen dhac,boob,kufsi,taasoo ay qabatimeen shacabka mogdisho.Mudo dheer kadib waxaa ilaahay qadaray in umadii soomaaliyeed ee garashada durugsan u lahaa maamulka iyo kala danbaynta iyo wadaniyadu ay soo afmeereen xaaran ku naaxyadii afduubka ku haystay mogdisho taasoo uu madaxweeyne u ahaa ala ha unaxariistee Abdullahi yusuf.

Waxaynu wada ogsoonahay in dagaal oogayaashii dhamaantood lasoo wada xareeyay lagana qayb galiyay nidaamka dawliga ah oo laga dhigay xubno baarlamaan iyo wasiiro oo layiri sidana way jirtaa ee noloshu maha uun sidan aad wax moodeen.Dawladii fadaraalka ahayd ee ku meel gaarku waxay dhalisay in wax laga qabto amaankii in la qaato nidaamka fadaraalka oo ah habka laysugu keeni karo dawlad soomaaliyeed ee xoogleh oo shaqaysa  hana tana dalka oo dhan.Waxa uu dhisay Abdullahi yusuf in lahelo nidaam dawli ah oo fadhigiisu yahay mogdisho kaasoo usaamaxay in maanta uu kursiga madaxweeyne fariisto XASAN SHIIKH tanoo aan dhici lahayn sinaba hadaan Madaxweyne Abdullahi yusuf Alle ha unaxariistee qaban lahayn dagaal oogayaashii nidaamkana xididida u dhigi lahayn.

Cidwalbaa waxay qaranka u qabato taariikhdaa qoraysa.waxaad moodaa hada in dalkii soomaaliyeed ee rajada dawlad nimo usoo bidhaamaysay ay sii liicayso oo waxaad dareemi kartaa imaanshaha MADAX WAYNE XASAN inay horseeday in dalku hormar uu sameeyo xaga amaanka iyo dawlad wanaaga iska daaye in ayba suuro gal tahay in uu dib u soo noolaynayo DAGAAL OOGAYAASHII laharay qaranka soomaaliyeed ee udiiday dalka inay dawladi ka dhalato shaqaysa mudo dheer. Nin baa laga sheegay nin uu masuuliyad saaray oo waanaag laga filayay oo wax kale layimid “RAG HADUU HORFULE KAA DHIGTOO HIBO LAGUU YEELO,WAA LOO HAGAAJAA ANFACA HIBASHO WAA CEEBE,MEESHAAN HANAAN GOBONIMO IYO HADIYAD EE GAAYAY HAF MIYAAD LA TIRI XAYR SIDAAD HAAN KU DHAYANAYSO!!”

Madax waynihii lays lahaa waa nin shacab ah oo aqoon yahan ah oo soomaali halkay taagan tahay hore ugasii dhaqaajin kara ayaaba hada dib inoogu celiyay waxay nu soo dhaafnay oo soo nooleeyay dagaal oogayaashii,oo qaarna hada MOGDISHO isku diyaarinayaan qaarna uu usoo diray DAWLADA JUBALAND inay burburiyaan oo beelaha layska horkeeno oo halkaa laga dhigo fawdo iyo nidaam daro si shacabkaasi u dib dhaco dhibna uuga bixin. waxaad arkaysaa oo caalamka iyo soomaaliba uwada jeedaan in dhaqankii xumaa ee lagu yaqiinay MOGDISHO ee ahaa magaalo kaliya ee xaafad waliba leedahay dagaal ooge leh anaa madax ka ah in loosoo xawilay deeganada nabada ah ee Jubaland. Dadka u dhashay deeganadaas ayaa dhaqan ahaan iyo ilbax nimo ahaan ka badalan dadkan mogdisho oo aan dhamaantood isku raaci karin hal magaalo oo leh 30 madaxweeyne siday ahaan jirtay mogdisho oo lagu arkay dhaqankan ku cusub soomaalida kale.

Dhiiri galinta iyo abaabulka lagu soo nooleeyay dagaal oogayaashii ee uu wado madaxwaynuhu isagoo u arkaya in uu ku gaari karo MABAADIIDIISA SIYAASADEED EE FADARAAL DIIDMADA AH.fikirkan ah si aan fadaraal u hirgalin halasoo nooleeyo dagaal oogayaashii waxay keenaysaa amaan daro ka dhalata dalka soomaaliyeed,dawladoo burburta,wadamada dariska oo halis gala amaankoodu,xagjirka diinta ku gabada oo xoogaysta iyo aayo xumo iyo rajo xumo umada soomaaliyeed ee 22 sano ku jirtay dhibaato

Dadka siyaasada u kuurgalaa ee soomaaliyeed waxay cadeeyeen in MADAXWEEYNUHU muujiyay ficil ah inayba dhab tahay tuhunka ah joogitaankiisii 22 sanadood gudaha soomaaliya in uu ahaa dagaal ooge qarsoon oo dadban lana shaqayn jiray dagaal oogayaashii mogdisho garabkamid ah hadna uu boorka dib uga jafayo soomaaliya oo ku dhacda gacan dagaal ooge.waxaa laga shaki qabaa in shirkado shisheeye oo dano ku qaba fawdada iyo amaan la aanta soomaaliya inay wada shaqayni ka dhaxayso.shilimaan yaroo nin jeebka gashado dawmaha in loo burburiyo qarankii soomaaliyeed,in fadaraal hoos laga soo dhiso la diido isla markaana dagaal ooge dib loo soo nooleeyo dawmaha,in caasimadii dalka soomaaliyeed madaxwaynaha beeshiisu dulmi ku haysato kana maqantahay intii kale beelihii soomaaliyeed hadana meelaha  la soo istaago jubaland waa hal qabiil dawmaha,aqli maha,masuuliyad maha,wax la aqbali karo maha,wax uu madaxweyne  kusii ahaankaro  maha,wax looga harayo hadaladaas maha waa laxisaabtamayaa.

Fursadaha madax weeynaha horyaala ee loo diyaariyay isaga wax maskax iyo maal iyo shaqo ah oo kagalayna aanay jirin waxaa kamid ah arinta hoos ku qoran.

1.In uu ilaaliyo nidaamka fadaraalka ee soomaaliya dastuurka u ah oo ay dhisatay.

2.In uu soo dhaweeyo dawladaha fadaraalka ah ee dhismay sida puntland iyo jubaland oo labaduba qayb ka ah fadaraalka soomaaliyeed una heelan in ay wax la qaybsadaan umada soomaaliyeed si loo helo dawlad xoogleh oo soomaaliyeed oo hanata dalka.waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan lana shaqeeyaan madaxwaynaha iyo dawlada soomaaliyeed.

3.In somaliland uu kadaayo jujuubka iyo hagardaamada ulana dhaqmo si masuuliyadi ku jirto,xaqbayna u leeyihiin inay helaan siday iyagu doonayaan.

4.In uu caawimaad waydiisto,somaliland,puntland,jubaland si ay uga caawiyaan sida uu u dhisi lahaa dawlad goboleed deeganka beeshiisu dagto ee aan ilaa hada waxba ka jirin.diyaar baana loo yahay madaxweynaha in lala shaqeeyo oo la caawiyo madama ay hayaan aqoonta habka loo dhiso dawlad ama maamul.

5.In uusan ku mashquulin album sawiradiisa isagoo kolba la taagan madax shisheeye balse uu ku mashquulo shaqo wax qabad.

6.In madaxwaynuhu hogaamiyo shacabkan u heelan iskana daayo in uu isagu isu dhigto isbaaro oo is mucaarado,tanoo ah somaliland marabo,jubaland marabo,puntland marabo,fadaraal marabo,fadaraal waan rabaa!!!

Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles