Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maqaal:Baarlamaanku wuu Garanayaa khaladka jira balse kama hadli karo Amaankooda Darteed.

$
0
0

baarlamaanka-cusub_t1_1Baarlamaanku wuu garanayaa khaladka jira balse kama hadli karo Amaankooda darteed.

Dawlada Soomaaliyeed ee fadaraalka ah fadhigeeduna yahay caasimadii hore ee soomaaliya inta laga dooranayo caasimad loo dhan yahay sida dastuurku qabo taasoo umada soomaaliyeed wada sugayso aayaha dhaw.Nina kama qarsoona in 1991dii burburkii dawladii soomaaliyeed iyo dagaaladii sokeeye ay sababeen in dadkii kunoolaa MOGDISHO ay ka qaxeen una hayaameen dagaanadii ay kasoo jeedeen,waqooyi,bari,galbeed,konfur intaba.waxaana dadkii magalada daganaa badalay dad reer miyi ah oo halbeel ah kuwaasoo, burburiyay dhismihii magaalada ama ha ahaado mid shaqsiyaad lahaayeen ama ha ahaado mid danta guud ahaa oo dawladeed intaba.

Waxaad arkaysaa in goobihii waxbarashada iyo wasaaradihii wixii kasii taagnaa burburkii inay dageen madama aysan garan karayn qaabka magaalo loogu noolaado iyo waxay keeni karto falka noocaan ahi.


Halkan beel ee kamid ah beelaha soomaaliyeed ee ku gaarka noqotay casimadii hore ee somaaliya waa kuwa kaliya ee udiidan ilaa hada in ay ka dhalato dawlad shaqaysa ama madaxwaynuhu iyaga haka dhasho ama yuusan kadhalan.shacabkii soomaaliyeed marka beeshan laga reebo waa kamaqan yahay MOGDISHO balse waxaa jooga qaybo kamid ah beela soomaaliyeed oo gobol walba dad baa ka jooga kuwaas oo ah siyaasiyiin baarlamaanka kamid ah ahna kuwo kooban.Nasiib daro waxay u yimaadeen inay wax ka qabtaan oo caawiyaan isuma talisada MOGDISHO loogakala cararay hayeeshee waxaa baarlamaankii lagaliyay afduub qof aan ahayn xubnaha halkaa beel ee mogdisho ku habsatay mahadli karo,waxbaa khaldan ma orankaro,mooshin lama keeni karo ilaa miday iyagu wadaan mooyee. dhibaataduna waa qofkii oo aan kabixi karin intaa yaree goobta baarlamanka ah qofwalbana waxaa lagu hayaa handadaad iyo in ladilayo tani waxay keentay in qofwalbaa cabsado madama mogdisho halbeel dagantahay qofkuna beeshiisii anay ka dhawayn halkan wuu baqayaa in ladilo. ragbadan ayaa iskaga baxsaday,ragna xoogaa mushahar ah ayuu fiirsadaa oo reer galbeedku siiyaan baarlamanka soomaaliya,ragna meesha waa ku wareer sanyahay.

Baarlamaanku xadgudubka iyo khiyaanada qaran ee ay sameeyeen madaxda usaraysa dalka kama hadli karaan ayagoo u jeeda cabsi darteed iyo awood iyo itaal yaraan madama halbeel mogdisho dagantahay.rag aqoon leh waa joogaan baarlamanka balse waa cabsanayaan xorna uma aha codkooda iyo fikirkooda nin walba nin baa daba taagan waana loo dhaartay.Meeshu ma baarlamaanbaa mise waa xabsi? suaashu waxay tahay baarlamaanku miyuu garan layahay dad gaalo ajanabi ah oo cadaan ah oo iska hantiyay garoonkii diyaaradaha ee mogdisho waxay rabaana ka dhoofsada iyadoon la ogayn waxay rabaana kala soo daga iyadoo aan la ogayn wuxu waxa uu yahay? baarlamaanku wuu garanayaa khaladka jira balse kama hadli karo handadaad darteed iyo amaankooda. Nimankan beesha ah ee mogdisho ku habsadayna shilin bay dhaafsanayaan dalka oo dhan sida muuqata.

Suaasha waxay tahay ma dhici kartaa in umada soomaaliyeed intay dib u xisaabtamaan oo isu tagaan ay xabsiga kasaaraan baarlamaanka soomaaliyeed ee ku xiran mogdisho? ma dhici kartaa in lays waydiiyo meel kale oo umada soomaaliyeed ka dhigato caasimad ay sixor ah ugu shaqeeyaan madama aynu leenahay magaalooyin farabadan iyo dhulwayn lana heli karo magaalo iyo shacab u heelan inay soo dhaweeyaan in ay caasimad qaabilaan.dalwaliba shacabkiisa ayaa xaq uleh inay doortaan halka ay ka dhiganayaan caasimad mana aha in dalal shisheeye kuu dooraan halka caasimad kuu noqonaysa dalkeena inagaa xor u ah haku mashquulin afartuug oo shisheeye u shaqeeya.

Cid caalamka inagu khasbi kartaa majirto halka aynu caasimad ka dhigan waa arin ku xiran soomaalida dhexdeeda.ma iswaydiin karaa burburka ka hor malahaan jiray caasimad ku xigeenta koobaad iyo labaad? haday jireen maxaa inoo diidaya inaynu dib u doorano oo kadhigano caasimad madama caasimadii sababayso ilaa hada in lawaayo dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed? Qaran dhan baynu nahay ee maxaa inoo diiday in aynu xal u helo mushkilada dalkeena inagoo rog rogayna oo dhinacyo badan ka eegayna fikir cusubna la imanayna sida caasimad cusub? waxaan soo jeedinayaa war dad baa ilaahay inaga dhigay ee aynu baarlamaanka xabsiga ku jira ee afduuban kasoo saaro oo banaanka keeno iyo magaalo uu ku shaqeeyo oo madax banaan yahay kana hadli karo danaha soomaaliyeed sidan waa soomaali halaageed iyo dhaxal wareejin khayraadka Soomaaliyeed.

Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369