Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .
Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.
Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.