Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Garoowe ka Dhacay.

$
0
0

DSC01189Magaalada Garowe ayaa Waxa ka dhacay Maanta banaanbax balaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmed Madoobe oo laba maalmood ka hor loo doortay hogaaanka maamulkaasi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb qaatay oo ku jireen odayaal ,dhalinyaro iyo ururada haweenka ,waxana ay isla jiibinayeen hadalo ay ku taageerayeen maamulka iyo madaxweynaha cusub ee Jubaland.

”Mudaaharaadkan aan isku soo baxnay waxaan ku taageeraynaa maamulka iyo madaxweynaha Jubaland oo haya wadadii federaalisimka loo dhaqan gelin lahaa” ayay tiri Faadumo Cabdiqaadir oo ka mid ahayd qaban-qaabiyaasha dibadbaxan.

Dadkii ka qayb qaadanayey mudaaharaadkan ayaa ku booriyey DF Somalia inay dhowraan go’aanka dadka degan goboladaasi ay ku dhisteen maamul goboleed waafaqsan Dastuurka.

Waxay ku tilmaameen doorashada Axmed Madoobe mid waji-gabax ku noqotey kooxo ay ku tilmaameen inay doonayeen fashilka shirka Kismayo ee dhismaha Jubaland.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Jubaland ayaa hanbalyo iyo tahniyad waxa gaarsiinayay maamulkaasi dadweynaha Soomaaliyeed ee nabada jecel,horey ayaa madaxda iyo shacabka Puntland u bogaadiyeen doorashada Axmed Madoobe oo ku tilmaameen guul u soo hoyatay Somalia.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles