Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa Cabdulaahi Sh.Ismaaciil Fartaag umagacaabay madaxweyne kuxigeenka maamul goboleedka Jubbaland.
Kulan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayna kasoo qeybgaleen saraakiisha AMISOM,IGAD iyo hawlwadeenada shirka Kismaayo ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ku magacaabay in Cabdullaahi Sh.Ismaaciil Fartaag uu noqdo madaxweyne kuxigeenka maamul goboleedka Jubbaland.Cabdullaahi Sh.
Ismaaciil ayaa isla goobtii lagu dhaariyay.
Dhanka kale kulan maanta ka dhacay isla garoonka Kismaayo oo looga hadlay xaalada amaan ee gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay in nabada la sugo hogaanka cusubna si wanaagsan loola shaqeeyo.