Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nabadoonada Gobolka Bari oo soo Dhoweeyay Madaxweyne Axmed Madoobe.

$
0
0

xaragoNabadoonada gobolka Bari ayaa siweyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee loo doortay maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyagoona ugu hambaleeyay Xilka cusub ee loo doortay,

Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahin Xarago oo ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano gobolka Bari ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta waxaa uu tilmaamay in dhamaan umada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba uu ugu baaqayo in ay taageero xoogan u muujiyaan maamulka Cusub ee madaxweynaha Jubaland.

Dhinaca kale Nabadoonka waxa uu Jawaab culus ka bixiyay Hadal heynta Sheegashadii in uu yahya madaxweynaha Jubaland Siyaasiga lagu magacaabo Barre Hiiraale oo isna ku sugan magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose ee Jubaland.

Waxa uu Sheegay nabaddoonku in hadalkaasi ka soo yeeray Barre hiiraale yahay mid aan loo dhega taageynin uuna yahay hadal ka soobaxay nin wada shaqaaqad iyo carqaladeyn lagu wado Maamulka cusub ee madaxweynihiisii la doortay iminka.

Waxaa kale oo uu u mariyay hawada dhaliil odayaasha beelaha Hawiye ee uu ugu horeeyo Axmed Diiriye, isagoo sheegay in aysan quseynin dhankiisa Dadka reer Jubaland ee aayahooda ka talinaya,

Waxaa loo baahanyahay ayuu yiri Nabadoon Xarago in Odayasha Beelaha Hawiya ay ka shaqeeyaan midnimada Soomaaliweyn intii ay faraha la gali lahaayeen kala qob qob iyo iska horkeenida dadka mideysan ee Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles