Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Diyaarad uu saarnaa madaxweyne Xasan Sheekh oo khatar ka badbaaday.

$
0
0
 images (1)Dhibaatooyinka Amni Xumo ee Ka jira Garoonka Muqdisho Fadeexadii 1-aad :Shilkii 2-da Diyaarad ee AMISOM ee Dhacay 10kii Casho ugu Dambeeyey April, 2013. waxaa xigtay Fadeexadii 2aad oo dhacday Axad, 05/05/2013.
Diyaaraddii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ka qaaday Muqdisho markuu u socday Shirkii London, waxaa Pilot-ka la soo Gudboonaatay dhibaato wada shaqeyn la’aan Taawarka ee la xiriirta in Taawarku u Caddeeyo Heer kulka Garoonka halka uu marayo ,si uu Go’aan uga qaato Xawliga ay ku kacayso Diyaaradda uu Duuliyaha ka yahay, markuu Jawaab waayey ayuu ka soo degey Diyaaradii , dabadeed isagoo Garoonka dhex taagan ayuu u Gacmo Haatiyey Taawarkii, dabadeed waxaa u caddaatay inuuTaawarka xiran yahay oo ayan cidina joogin.
Markey arintaasoo kale dhacdo Duuliyaha wuxuu gaaraa go’aan isaga u gaar ah oo khatartiisa yeelan kara, waxaan loo yaqaan “Pilot Description” isagoo oranaya : Star up on my own Description (waxaan Engine-ka ku Kiciyey go’aan aniga ii gaar ah ) isagoo isla markaa ku duubayo Rikoorka Diyaaradda oo u sii Shidnaanaya inta uu Hawada Soomaaliya uu ka baxayo.3 Qof Ayaa Wadada Loo BaneeyaaWaxayna kala yihiin:

1-VIP 001(President)

2-Emergence

A-Ambulance Aircraft

B-Fire Aircraft (Diyaarad Dab qabsaday)

Amniga Madaxweynaha Maxaa Dhib uga iman Karayey?

1-Dhibaatada ka iman kartaa waxa ka mid ah inuu Dab qabsado Diyaaradda kaasoo ka dhalan kara :kala duwanaanshaha Heer Kulka Garoonka & Go’aanka uu Diyaaradda ku kiciyey Duuliyaha , Tusaale Enginka oo xoog lagu kiciyey ayadoo Heer Kulka Garoonku sareeyo.

2-Diyaarad soo dageyso bilaa Taawar iney isku dhacaan Diyaaradda kaceyso iyana bilaa Taawar.

3- Diyaaradda M/weynaha oo bilaa Taawar ka kacday Garoonka Muqdisho oo ku dhici karta Diyaarad Hawada mareysa , waayo Diyaaradaasi waxey la heysataa FIC-Somalia in Nairobi (Flight Information Centre), waayo FIC-da ma heyso War sheegaya iney Diyaarad ka soo Duushay Garoonka Muqdisho oo VIP 001(President), halka uu Shilkaasi ka dhici karo waa Hawada Baraawe oo ah halka ay iska gooyaan Labada Root ee Mogdisho(UG 450) iyo ka Yurub ka yimid ee Mandheera (UR 780) soo mara waxey isku gooyaan Hawada sare ee Baraawe .

Yaa Xambaaraya Mas’uuliyadda Dhacdadan Foosha Xun?

-Sharciga u Degsan Garoonka Muqdisho waxa weeye Shaqaalaha Taawarka iney shaqeeyaan markey Qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo laakiin SCAMA waxey go’aamisay in Shaqaalaha Soomaalida ee Taawarka ay Shaqada ka baxayaan 4ta Galabnimo.

4ta Galabnimo ilaa & 12ka Maqribkii waxaa iska leh oo ku qoran Taawarka AMISOM.

AGAASINKA & ISKU DUBARIDAHA HOWLAHA XAFIISKA  WASIIR KU XIGEENKA WASAARADA WARFAAFINTA, BOOSTADA & ISGAARSIINTA,  GAADIIDKA CIRKA & DHULKA

Hussein Ali Elmi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles