Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Waxa ay Sheegayaan in Ciidamo Gadoodsan oo ka Tirsan Daraawiishta Puntland ay Saacado Kooban Hakad Geliyeen Shaqooyinkii iyo isu Socodkii Magaalada Bosaaso,iyagoo xiray Kantaroolka Koonfureed ee laga soo Galo Magaalada.
Mudo Saacado ah ayay hakad geliyeen ciidankan isku socodka Gobolada kale ee dalka iyo Boosaaso, inkastoo markii dambe uu dib u soo laabtay.
Ciidankan ayaa waxa ay ka gadoodsan yihiin sida la sheegayo lacago Mushaaraad ah oo ay leeyihiin mudo dhan 5 bilood islamarkaana ay sababtay in ay gadood soo sameeyaan markii ay soo shaacbaxday in mushaaraadkaasi lacago laga jarayo.
Ciidamadan waxa ay Difaac kaga jireen Buuraleyda Galgala deegaanka Sugure halkaas oo ay dagaal kula jireen xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo buuraleydaasi ku jira.