Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Duqa Degmada Bosaaso:-Lacagta Shanta Boqol ee SH SO ah way shaqeyneysaa mana jirto cid diidi karta(Dhegayso)

$
0
0

xasan-cabdalMaamulka Degmada Boosaaso Xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in xukuumada Puntland aysan joojinin qaadashada lacagaha shiling soomaaliga qaarkood siiba qaadashada lacaga Shanta boqol (500) oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay suuqayada magaalada ganacsatadii ka shaqeynaysay oo diidayay qaadashadeeda.

Halkan ka Dhegayso Codka Duqa Degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan.

Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo saxaafada maanta kula hadlayay gudaha xarunta dowlada hoose ee magaalada ayaa waxa uu ku tilmaamay hadalada suuqa ku jira ee ah in dowlada Puntland ay joojisay lacagahan ay yihiin kuwo been abuur ah islamarkaana aanay ogeyn halka ay ka timid eedeyntaasi.

Shir ka dhacay xafiiska duqa Boosaaso ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee ganacsaytada Boosaaso ku sugan, masuuliyiinta gobolka iyo degmada , waxaana shirkaasi ujeedkiisu ahaa sidii maamulka gobolka iyo ganacsatadaasi isula falan qeyn lahaayeen dhaq dhaqaaqa ganacsiga, Lacagta iyo sarifka doolaka.

Xasan Cabdalla xasan oo Saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in shirkaasi ay ka soo bexeen in dowlada aanay joojin lacagta Shiling Soomaaliga siiba shanta boqol ayna sidii horay loo qaadan jiray loo qaadan doono.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada ay u sheegeen ayna garowsadeen la islana gartay in sidiisii loo daayo ganacsiga aanayna jirin lacag takooran oo shiling Soomaali ah.

“Waxaan u sheegayaa Dadweynaha iyo ganacsatada magaalada in aysan jirin lacag la joojiyay ayna sideedii tahay oo sidii loo isticmaali jiray shanta boqol loo isticmaali” ayaa ka mid ahaa hadaladiisa duqa Boosaaso mar uu dadweynaha la hadlayay.

Dhowaan Dowlada Puntland waxa ay sheegtay dhowaan in mushaaraadka ay ku bixin doonto Shilin Mareykan, canshuurahana ku qaadi doonto, arinkaasna waxaa lala xiriiriyay lacagta shilinka Soomaaliga ee la sheegay in qeybteed la joojiyay .

Balse Duqa Boosaaso Xasan Cabdala Xasan ayaa u sheegay in aysan ujeedadu sidaasi aheyn wax shaqo ahna isku laheyn oo lacagta shiling Soomaaligu sidii ay aheyd lagu wadayo isbedelna aanay ku iman doonin.

Ugu dambeyn waxa uu u sheegay ganacsatada iyo cidkasta oo diida lacagta Shilinka Soomaaliga in uu muteysanayo talaabo sharci ah .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles