Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xaflad lagu Taageerayo Maamulka Jubbaland oo Holland Lagu qabtay(Sawiro+Video).

$
0
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku nool dalka Holland ayaa waxaa si weyn u taageereen shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Kismaayo. Waxaana ay sheegeen inuu maamulkaasi uu yahay mid dhabaha u xaaraya nabad ka dhalata gobolladaasi.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay taariikhdii ay soo mareen sadexdan gobol ee Jubbooyinka iyo Gedo. Waxaana si gaar ah looga sheekeeyey xaaladii dagaalada sokeeye  iyo wixii lasoo gudboonaaday sadexdan gobol.

Shacabka madashan fadhiyey ayaa si wada jir ah u taageeray dhismaha maamulkan, waxaana ay sheegeen in haddii uu hirgelo ay meesha ka bixi doonaan dhamaan gaboodfaladii dagaalada sokeeye ee halkaasi ka dhici jiray.

Prof, Cumar Shire oo ka mid ahaa madaxdii shirkan ka qeybgashay oo waliba hadalo saameyn ku reebay dadkii halkaasi joogay ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay inaysan aqbali karin diidmo laga muujiyo dhismaha maamulka Jubaland.

” Maamul marka uu dhismayo waxaa laga doonayaa waa afar tiir. Kan koowaad waa inuu maamulkaasi dhul leeyahay, waan heysanaa oo sadex gobol ayaan degnaa. Kan labad waa in sharci leeyahay maamulkaasi oo waxaad la socotaan in aan dastuurkii la sameeyey.  Sadex waa in astaan uu maamulkaasi leeyahay waxaan sameysanay calankii Jubaland oo hadda ka babanaya Kismaayo. Mida afaraadna waa in dad ay jiraan sameysanaya maamulkaasi., isagoona sheegay inay dadkaasi yihiin kuwa maanta fadhiya Kismaayo.”

Prof, Cumar Shire waxaa uu intaasi ku daray in maamul u sameynta gobolladan loo soo maray labada dadaal kuwaasi oo kala ah dadaal siyaasadeed iyo mid dagaal. Kan siyaasada ayuu ku sheegay inuu ahaa shirar iyo wadatashi lala sameynayey wadamada dariska ah iyo dowladihii kmg ah ee Soomaaliya ka jiray. Mida labaadna waxaa uu ku sheegay dagaal adeg oo lala galay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Lugod oo ka mid ah siyaasiyiinta gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo isagana kulankan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuusan dalka Soomaaliya laheyn wax Ra’iisul wasaare ah,  isagoona taasi ku macneeyey  awoodii dowlada oo kusoo aruurtay gacanta Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Lugod ayaa sidoo kale shirkan fariin adeg uga diray madaxweynaha Soomaaliya oo  uu sheegay nin u talin waayey caasimada Soomaaliya oo ay beesha uu madaxweynaha ka dhashay xoog ku heystaan, balse hadda raba inuu 500 KM meel u jirta oo laga dhisayo Jubbaland inuu gacanta lasoo galo.

” Xasan Shiikhow caasimadii dalka Soomaaliya oo 16 degmo ah waxaa xoog ku heysta beesha aad ka dhalatay,waxaa sidoo kale ay heystaan hantidii dadku iska lahaayeen, waxba kama qabaneysid oo ka hadli meysid, markaasi ayaad rabtaa Jubaland oo 500 km meesha aad joogto u jirta inaad gacanta lasoo gasho oo waliba aad u magacaabato maamul madiidin adiga kuu ah. Nin kaa caqli xun ma jiro adeer. Waana ku fahansanay ujeedkaaga” ayuu yiri Siyaasi Maxamed Abdi Lugod.

Maryan Saciid Maxamuud oo aheyd qabanqaabiyaha shirkan ka dhacay magaalada Rotterdam ee dalka Holland oo iyadana shirkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegtay inay ujeedkooda uu yahay in maamulka dhismaha ee Jubaland ay taageeraan. Waxaana sidoo kale ay sheegtay inay jecel yihiin in loo hogaansamo dastuurka iyo waxa uu ka qabo maamul u sameynta dalka.

” Waxaa u jeedkeena uu yahay taageerida dhismaha maamulka Jubaland. Waxaana sidoo kale  ku garab istaageynaa awooda dadka gobolladaasi degan uu u siinayo dastuurka inay sameystaan maamulka Jubaland ” ayey tiri Maryan Saciid Maxamuud oo  ku hadlay afka maamulka shirkan qabtay .

Abwaan Geeljire oo isagana dareenkiisa dhinaca suugaanta ku cabiray ayaa waxaa uu sheegay in dadka waxa ay rabaan laga hor istaagin. Isagoona sheegay in hadalkii kasoo yeeray Feysal Cali Waraabe uu ahaa mid aan qaban sameynta Jubaland.

” Feysal Cali Waraabe waxaa uu ka mid yahay maamul  yiri waxaan ka xornimo ka qaadanay gobollada ay  ku jiraan Jubbaland, marka nin xornimo iga qaatay oo aan iga mid aheyn waxa uu uga hadlo maamul aan sameysanayo waxaan u arkaa faduul. Haddii uu rabo inuu feysal Cali waraabe ka hadlo Jubbooyinka gurigan uu isku ooday ee (Soomaalidiidka ah) ha kasoo baxo, haddii kale adeerow ina dhaaf” ayuu yiri Hal-abuure Geeljire oo suugaan ammaan ahna u tiri Jubbooyinka.

Falastiin ahmed Dhoore oo kamid ah aqoonyahanka kasoo jeeda sadexdan Gobol ee sameysanaya maamulkan cusub ayaa waxa ay sheegtay in xaq u leeyihiin inay sameystaan maamulka Jubbland. Waxaana ay sheegtay in dadaal badan lagu soo bixiyey howsha hadda maamulka lagu soo dhameynayo.

” Waxaa xaqiiqo ah in shacabka wixii ay rabaan sameysan karaan. Waxaana muhiim ah in aan cadeyno taageerada aan u heyno maamulka Jubaland oo aan caawa isugu nimid. ” Ayey tiri Falastiin Ahmed Dhoore.

Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay oo badnaa waxay isku wada raaceen inay muhiim tahay dhismaha maamulka Jubbaland. Waxaana sidoo kale ay dowlada Soomaaliya ugu baaqeen inaysan burbur ka shaqeyn oo ay ka shaqeyso wadajirka dadka Soomaaliyeed.
.

SAM_6298 SAM_6299 SAM_6300 SAM_6301 SAM_6303 SAM_6304 SAM_6305 SAM_6306 SAM_6307 SAM_6308 SAM_6309 SAM_6310 SAM_6311 SAM_6312 SAM_6313 SAM_6314 SAM_6315 SAM_6316 SAM_6318 SAM_6319 SAM_6320 SAM_6321 SAM_6322 SAM_6323 SAM_6324 SAM_6325 SAM_6326

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles