Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu ka qaybgalo shirka London ee arrimaha Soomaaliya oo 7-da bisha furmaya, wargayska The Guardian ayaa sidaas qoray.
Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in Kenya ay xubin muhiim ah u tahay arrimaha Soomaaliya, sidaas darteedna tixgelin loo siinayo.
Wargayska oo soo xigtay ilo ku dhow madaxweye Kenyatta ayaa sheegay inay suuragal tahay in madaxweynaha uu shirka ka qaybgalo.
Kenya ayaa ka qayb ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamo gaaraya 5 kun ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Waxay noqonaysaa booqashadii ugu horreysay ee uu Kenyatta ku tagayo dal reer-galbeed ah tan iyo markii xilka loo doortay bishii March ee sanadkan.