Dalka soomaaliya waxa laga leeyahay dano guracan oo gumaysi salka ku haysa.danahaas waxaa loo helay dad soomaaliyeed ee loo adeegsado,waan orankaraa guud ahaan soomaali waa la adeegsaday balse lama wada helin ee qaar baa sigaara loo helay oo sababaya in shisheeyuhu dalka hanto. soomaalidu wali runta isuma sheegin dalku hadii uu galay marxalad dagaalo sokeeye oo dawladii burburtay 1991 oo casimadii lagu kala tagay maxaa dhacay?
Nasiib daro casimadii waxa u haray halbeel oo kamid ah beelaha soomaaliyeed taasoo u diiday casimadii wax daganaansho iyo amaan ah iyo in wax maamul ahi ka hirgalo ilaa hada maantadan lajoogo oo ay buux dhaafiyeen ciidamo amaanka suga oo kayimid caalamka hadana wax amaan ahi kamajiro.Beeshu waxay u diiday casimadii amaan mudo 22 sanadood ah.tani waxay sababtay in shacabkii Mogdisho daganaa ay firxadkii ku tageen dagaanadii ay kasoo jeedeen markiiba ay dhisteen maamulo sida somaliland iyo puntland waxaana laysku dayay in bal dib loo raadiyo in labaadi goobo qaranimadii iyo dawlad nimadii karaamo beelku ku dhacay oo calankii laga qaado dhulka.
Nasiib daro waxay noqotay markii somaliland ka gaabisay baadi goobka soomaalinimo iyo in dib loo yagleelo dawladnimadii soomaaliyeed ee burburtay,hayeeshee waxaa kaalinkaa habeen iyo maalinba aan kaseexan oo utaagnaa puntland ilaa ay calankii ka qotomiyeen madaxtooyadii iyo casimadii dalka halkaasoo ay kasaareen beelihii daganaa oo hooy lagu caruurkorsado ka dhigtay madax tooyadii looga talin jiray qaranka soomaaliyeeed.
Puntland waxay muu jiyeen geesinimo iyo wadaniyad balse waxayna samayn daraasad cilmiyaysan oo ah halkee laysugu keenaa umadii soomaaliyeed oo casimad u noqota? waxaa la tagtay wadaniyadii iyo in nidaamkii dawladnimo lasooceliyo oo kaliya. casimada waxay ahayd in la badalo sababo ah in laga bad baado dabinka gumaysiga iyo ninka u sahlaya.puntland iyo somaliland iyo gobolo kale oo soomaaliyeed hadii loo dooran lahaa in casimada lageeyo soomaaliya mar hore ayay caalamka wax la qaybsan lahayd kana bixi lahayd dawlad la aanta aafaysay iyo xasuuqa ragaadiyay ee aan macnaha lahayn.
Waxaan ognahay hayeeshee iska indhatiraynaa in Mogdisho ay dagan yihiin halbeel inay haystaan wixii kaharay guryihii danta guud dhamaan hay adihii dawlada iyo guryihii wixii haray ee shacabka soomaaliyeed gaarka u lahaa kuwaas oo ka qaxay aafadii burburkii dawlada.waxan ognahay inaysan diyaar u ahayn cabsina ka qabaan in dawladi ka dhalato soomaaliya mogdishana noqoto caasimadii dawladi ku shaqayn lahayd.waxaan ognahay in ay iskuwada raacsan yihiin in dawlad shaqaysaa ka dhalan mogdisho si kasta oo madaxweeyne iyaga looga dhigo cidkalena warkeedaba daa oo madax weeyene ka noqota.
Waxaan ognahay in uusan mogdisho joogin shacabkii soomaaliyeed qaybihiise kale oo utaagan in mogdisho ku soonoqoto caasimadnimadii iyo dawladi ku shaqayso sidaa daraadeed shacab dawlad rabaa majoogo mogdisho.majiro madaxweeyne udhashay beeshaan oo la hadli kara waxna ka qaban kara beeshiisa madama ay yihiin kuwa isbaaradu utaal sababtoo ah qaybuu kayahay in aan lahelin dawlad shaqaysa oo isagaa qaba fikirkaan ah dawlad diidnimada.maagaalo dhan oo aan doonayn nidaam afkana kasheeg sheega inay nidaam doonayaan in lafahmi waayo mudadaa dheer oo laga tashan waayo waa fahmah xumo waynaatay.
Sababaha ay udiidayaan nidaamku waa maxay? waa sababo aan ku ogaaday daraasad dheer iyo u kuurgalid dheer iyo xeel dheeranimo fog oo aan bartay waa maxay dadkani? maxay rabaan? jawaabta oo koobani waxay tahay sababta ay udiidayaan dawladnimada waa CABSI FILWAYN!! waxay kacabsanayaan in nidaam lahelo iyo kala danbayn waxayna guul u arkaan oo ku qanacsanyihiin in aan nidaam lahelin ee sidaa hada layahay la ahaado si ay u helaan daganaansho iyo walwal iyo cabsi la aan. waxay u arkaan dawladnimada iyo nidaamkuba in uu yahay wax iyaga halaagaya oo baa bi inaya oo dadkale u ah faa iido halka ay hada u arkaan inay sidan ku haystaan faa iido iyo hormar.waxay u arkaan in dadkii kale khasaaray madama aan dawladnimo iyo nidaam jirin caasimadii mogdishana aan cidkale imankarin sidaa daraadeed ay yihiin kuwa guulaystay ayagu.
Dhanka kale si aan loo dareemin waxay tumaan durbaan soomaalinimo calankay isku sawiraan oo meel walba la ordaan si aan loofahmin balse dhabtu waa cabsanayaan.markii walaalahayo ay casimadii iyo dalkiiba la hareen mudadaas dheer ayaa waxaa sahansaday shisheeyihii daydayga ahaa kaasoo ula yimid ciidan oo qabsaday mogdisho waxaa yaableh garoonkii diyaaradaha ee caasimada inay isu diideen dhexdoodu mudo20 sanadood ah oo dagal ooga yaashoodii isku dileen balse hada ay u adeegayaan oo raali ku yihiin in wiil cadaan ah oo wadan uu udhashay xataa hubanti loo haynin uu haysto iyagiina ay khaadin u yihiin slave.waxaan ognahay in xeebihii mogdisho dhamaan ay gateen yuhuud iyo xoogaa cadaan ah iyo turki u adeegaysa.waxaan soo xusuustay waagii siciid barqash mogdisho xeebta dheer kiraystay oo 2500 oo doolar ku kiraystay!!!
Gumaysigu waa mid arkay ninkan aan ogolayn wax nidaam ah ee cabsanaya kadibna dalkiibuu kala wareegay isagana xataa shaqaale waa u quuri waayay oo waad aragtaan mogdisho waxa reer galbeed kawado halka dadkii wadanka u dhashay ay ka baahan yihiin.oo hada qaybaha cadaanka ee xeebta mogdishana waa hoteelo iyo dhismayaal aad loo qurxiyay iyo ganaacsi malaayiin lagu kala macaashayo,wixii xeebta kabaxsana waa buushash iyo guryo dumay marka laga reebo xoogaa burburkii ka badbaaday.markaa is adoonsi iyo dabaqad baa ka abuurantay mogdisho sidii xiligii gumaysaga ka daran.oo ninka madaw ee beeshaas mogdisho dagan u dhashay magali karo soonkaas cadaanka waana la karabaashayaa hadii lagu arko.arimo badan baa jira oon damiir ahaan diidanahay inaan sheego.
Ninkan CABSANAYA ee reer galbeed qabsaday soomaali waa iska fahmi wayday.reer galbeed waxay rabaan shidaalka dalkaan iyo inay xeebtaa mogdisho ka dhistaan goobo dalxiis oo laga helo lacago malaayiin ah oo fisqi iyo fasaad aan ilaahay raali ka ahayn lagu sameeyo dhulka soomaaliyeed ee xalaasha ah.lacago ayay wataan malaayiin ah oo dalka ay ku gadanayaan,ninkaan cabsanayaana lacag buu rabaa uusan garanayn wuxuu ku samayn lahaa xataa haduu helo!!
Gunaanad
Waxaan kutalinayaa in somaliland iyo khatumo state, puntland iyo jubaland iyo bayland intay isu tagaan madama fadaraal dawladu tahay inay is waydiiyaan war halkeen ka dhiganaa caasimad nin walibana gobolkiisa hasoo dhisto wiixii is qadan karana oo is raaci karana hawada dhisteen hal state. balse haka fakaraan halkeen caasimad u noqonaysa umada soomaaliyeed si loo caymiyo xoriyada iyo jiritaanka aayaha danbe ee umada soomaaliyeed.in lahelo meel soomaali ugacanbanaantahay oo sirteeda ku qarsan karto oo ka caagan shisheeye in uu arimaha hoose ku milmi sida hada mogdisho ay u haystaan. hadaan lahelin caasimad cusub oo fadaarlku dago waxaa laluminayaa dhaqaalaha iyo xoriyada iyo siyaasada qaranka soomaaliyeed ee xorta ah.waxaad ogaataan xaqbay uleeyihiin sateska soomaaliyeed ee fadaarlka ahi inay doortaan dalkooda meeshii ay u gartaan inay caasimad ka dhigtaan halkaa unbaana aduunyadu ku qasban tahay inay ugu imaado dawlad diidi kartanaa majirto.waxaan rabaa inaad fahantaan in reer galbeed ganaacsi kawato mogdisho oo hantay iyo in shacabka mogdisho ay sidan u arkaan dawladnimo iyo hormar sidaa daraadeed malaha wax rajo ah haba yaraatee oo iyaga laga qabo inay isbadalaan madaama shisheeyaha iyo iyaguba ay qanacsan yihiin.aad ufahma hadalkaa wax rajo ah malaha!!! waxaa hadaba soomaaliyeey inala gudboon inayanu iswaydiino dawlad la aan makusii jiri karaa qarni soosocda? aynu tashano oo dib isugu noqono kana tashano sidaynu gumaysiga walaalkeen inoo soomaray uga lug bixi lahayn.