Wasaarada maaliyada ee Dowlada Puntland ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay mushaarka ku siin doonto lacagta doollarka Mareykanka, arrintaas oo ay sababeysay maciishadda oo sare u kacday iyo shilin Soomaaliga oo ku yaraaday deegaannada maamulka.
Wasiirka maaliyada ee Dowlada Puntland Faarax Cali Shire oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in arrintan ay u sameynayaan isla ekaashaha qiimaha lagu iibsado maciishadda iyo sarrifka lacagaha qalaad gaar ahaan doollarka.
Qorshe uu maamulku horay u dajiyay oo ahaa in ay iskeenaan qiimaha uu bankiga maamulka ku sarrifo lacagaha qalaad iyo goobaha kale ee sarrifka ayaa la sheegayaa inaanu weli is waafaqin.
Hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha lagu sarrifo lacagta doollarka ah, waxaana sidoo kale laga cabanayay yaraanshaha lacagta shilin Soomaaliga ah.