Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dalka Holland oo loo caleemo saaray boqor cusub ka dib markii ay boqoratii hore is casishay(Video).

$
0
0

Dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in loo caleemo saaray boqor cusub ka dib markii ay boqorada dalkaasi Beatrix ay iska casishay xilkeedii boqornimo kuna waraajisay wiilkeeda curudka Willem-Alexander.

Xaflad weyn oo si heer sare ah loo agaasimay oo lagu caleema saaraayey boqorka cusub ee dalka Holland Willem-Alexander iyo xaaskiisa Mi;xima ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtey magaalada Amsterdam ee dalka Holland, xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen madax kale duwan ee aduunka, boqoro, iyo amiiro ka kala yimid dunida daafaheeda ayaa waxay ahayd mid si wanaagsan looga soo shaqeeyey iyadoona ay magaalada Amsterdam ay noqotay xarun ay ka howlgalaan ku dhawaad kun telefishin oo si Live ah ugu tabinaayey dhacdadaan taariiqiga ah wadamadooda, Xaflada oo bilaabatay aroornimadii hore ee subaxii ayaa waxay socotey ilaa iyo waqtiga dambe ee habeenkii iyadoona guud ahaan dalka Holland si weyn looga damaashaaday si farxad ay ku dheehan tahayna loo soo dhweeyey boqorka cusub ee dalka Holland.

Ugu dambeyntiina iyadoo boqorkani uu noqonaayo kii ugu horeeyey oo nin ah mudo iminka laga joogo 120 sanadood oo mudadaas oo dhan ay dalkaasi lahaayeen boqorad ayaa dadka reer Holland ay yihiin dad si aad iyo aad ah u jecel boqortooyadooda, arintaan maanta ay hooyadu wiilkeeda ugu wareejisay xilka boqornimo ayaan ahayn wax ku cusub dalka Holland maadaama sidoo kale mudo iminka laga joogo 33 sanadood ay boqorada hada xilka ku wareejisay wiilkeeda ay sidaas oo kale ula wareegtay xilkaas sanadkii 1980 ka dib markii ay hooyadeed ay ayadana sidaan oo kale ay xilka ugu wareejisay iyadoona wadanka Holland ka ahayd boqorad mudo 33 sanadood ah, boqorka cusub ee dalka Holland Willem-Alexander oo ay xaaskiisa tahay haweeney ka soo jeeda dalka Argentin ayaa ayadana sidoo kale waxay noqotay boqorad, iyadoona ay dhaxalka boqortooyada ay hada noqotey gabadhooda ugu weyn ee Amalia oo 9 sano jir ah, qoyskaan oo aqal galay sanadkii 2002 ayaa waxay leeyihiin 3 gabdhood.
168209_10200492965020269_89936881_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles