Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Maanta Gelinkii Dame Waxa uu kula shirey Garowe Issimo ka soo jeeda gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn.
Issimadan ayaa welwel ka muujiyey qaabka madaxweynuhu wadahadalka ula galay Somaliland isagoo aan tixgelin siineyn dadka ka soo jeeda goboladaasi.waxana ay u sheegeen inaysan Somaliland ka wada arimin goboladaasi ay sheeganayaan.
Waxay sheegteen in tacadiyo u geysteen maamulka Somaliland dadka degan goboladaasi ,iyagoo ugu yeerey inuu wax ka qabto arintaasi maadaama uu madaxweyne Soomaaliyeed yahay.
Dhankiisa ayuu madaxweyne Xasan Shiikh sheegey inuu diyaar u yahay dhageysiga afkaarta dadka degan goboladaasi ,isagoo raacshay in uu Somali oo idil u dhaxeeyo ilaalinayona danahooda.
”Midnimada Somalia maahan mid galaysa wadahadal ,shirkii Turkiga ka dhacay wuxuu qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Somalida” Ayuu ku yiri odayaasha Xasan Shiikh Maxamuud.
Kulankan oo goob joog ka ahaayeen madaxda Puntland ayaa ahaa mid kooban ,ka hor intaanu u duulin Xasan Shiikh dhanka magaalada Muqdisho.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |
Image may be NSFW. Clik here to view. ![]() |