Waxaa si Habsimi leh Magaalada Kismaayo oga soconaya soo xulista Ergada ka qayb galaysa Shirka Maamul u samaynta deeganada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana lagu wadaa Maalmaha soo socda in la dhamaystiro Ergada soo xulisteeda isla markaana lagu galo doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State.
Siyaasiga C/naasir Jeer oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Puntland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta Raadreeb u Xaqiijiyey in heer gabo gabo ah inay marayso soo xulista Ergada wuxuuna sheegay iminka wixii ka danbeeya in la gudbinayo Ergada isla markaana lasii gada galayo doorashooyinka.
Dhanka kale wuxuu sheegay Wada hadal inuu u soconayo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo iyo Dowladda Soomaaliya isagoona xusay in wada hadalkaasi uu mari dhali doono.
Wuxuu sheegay Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh maxmuud inuu kasoo qayb gali doono Shirka isla markaana uu imaan doono Magaalada Kismaayo.