Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Warbixin+Sawiro Heerka Waxbarasho ee Degmada Waaciye.

$
0
0

Degmada Waaciye Ee Gobolka karkaar ayaa Horumar la taaban karo Waxa ay  ka Gaartey  Dhanka Waxbarashada.

Degmada Waaciye ayaa waxa ku yaal labo Iskuul oo kala ah Hoose/Dhexe iyo Weliba Dugsi Sare Kuwaas oo  lagu kala Magacaabo Waaciye Primary Iskuul iyo Garaar Secondry   Iskuul.

Hadaba Warbaahinta Raadreeb Xafiiskeeda Degmada Waaciye Ayaa Xafiiskiisa ku Booqatay  Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Waaciye ahna Maamulaha Dugsiga Sare  Mudane Axmad Xasan Barre isagoona  warbaxin naga siiyay heerka Waxbarasho ee Iskuulada Degmada Waxa uuna ku Bilaabay Sidatan:

-Degmadu Waxa ay Leedahay Labo Iskuul Hoose/Dhexe iyo Sare  ardayda dhigata Dugsiga Hoose Dhexe tiradoodu waxa ay dhan Tahay 361 Arday .

-Tirada Dugsiga Sare Waa  50 Arday  waxaa Xusid Mudan in Sanadkani uu ka bedelanyahay Sanadihii Hore sababta oo ah Dugsiga Sare oo Lagu Kordhiyey  Fasalka 4-Aad ee Dugsiga Sare ( form 4 ).

Sidoo Kale Waxaanu Wax ka Waydiinay  Baahiyaha Guud ee ka Jira Iskuulada Degmada Waaciye Waxa uuna ku Jawaabay Sidan:

-Way jiraan Baahiyo Badan oo Iskuulada Waaciye ka ay u Baahanyihiin in laga Saacido Baahiyahaas waxaa u waawayn Sidan:-

  • in laga kabo Dhanka Kharashaadka Madaama Tirada Dugsiga Sare ay aad u yartahay aysana kaafin karin iskuulka sanadkastana waxa uu u baahda in iskuulka lagu kabo lacag dhan  4000$.
  • library ay Ardaydu Isticmaalaan   iyo Weliba  Lab.

waxa oo kale uu Xusay in Sanadka iskuulada lagu soo Kordhiyay Qayb Computaro ah taas oo ay ardaydu xiisad ahaan u qaatan arintaasna waxaan uga mahad celinaynaa Shakhsigii noo suurta geliyay ama ugu deeqay qalabkaas computarada ah  oo ah mudane Asad muuse c/raxman (cuncun ).

qalabkan uu Mudane Asad Muuse C/raxmaan (Cuncun) uu ugu Deeqay Ardayda Iskuulada Degmada Waaciye ayaa ka Kooban:-

-10 computar oo nooca desktopka ah

-2 Computer oo Laptop ah  iyo 1 Project . 

Ugu Dameyntii Gudoomiyaha Degmada Waaciye Udirey  Jaaliyada Degmada Waaciye ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska Kuwaas  oo inta Gacan wayn ka gaysata Dhanka waxbarashada waxayna mudanyihiin ku dayasho ayuu yiri Gudoomiyuhu.

DSC01362

2013-02-22 17 2013-02-26 10 2013-03-03 112013-03-26 17 2013-03-03 112013-02-26 102013-02-26 10

2013-03-24 07

DSC02314DSC02308DSC02295DSC02305

Raadreeb.com-Waaciye.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles