Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Maanta gelinkii Hore Waxa lagu qaaday Weeraro is daba Joog Ah.
Qaraxyo ayaa lagu weeraray dhismaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho sida ay ku soo waramayaan dad goobjoogayaal ah oo Maxkamada ku Sugnaa xiliga weeraradu dhacayeen.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyay albaabka hore maxkamadda, daqiiqado ka dib-na ay koox hubaysan gudaha u galeen maxkamadda.
Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha maxkamadda, mana jiraan ilaa iyo haatan wax cadeynaya Khasaarahu inta uu la egyahay.
Qaraxyadan lagu weeraray dhismaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa ku soo aadaya ka dib markii dowladda Britain ay sheegtay in kooxaha xagjirka ahi ay qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho.