Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Feysal Cali Waraabe”Xasan Shiikh Wuxuu doonayaa Godkii Xamar in uu dadka la gallo oo uu ku Laayo(Video).

$
0
0

mqdefaultGudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ucid ee Maamulka Somaliland Mudane Feysal Cali Waraabe ayaa si Qota Dheer uga Hadlay Siyaasada Guud ee Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Mudane Feysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka soconaya dalka Turkiga.

Sidoo Kale Wuxuu si qoto dheer uga hadlay Kooxda Madaxweynuhu  ka tirsan yahay ee Damu-Jadiid isagoona sheegay inay yihiin sida Al-itixaad iyo Al-Shabaab oo Kale,Madaxweyneynuhuna uu doonayo in uu dadka la gallo Godkii Xamar ee Banaadir oo uu dadka ku laayo ayuu doonayaa Buu Yiri Mudane Feysal Cali Waraabe.

Sidoo Kale wuxuu ka hadlay Amaanka Guud ee Koonfurta Soomaaliya isaga oo sheegay inay Nabadgelyada sugayaan Ciidamo Shisheeye Balse aanay ka jirin Nabadgelyo Dhab Ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Waraysiga Feysal Cali Waraabe.
.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles