Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa ku amray ciidanka hubeysan inay ka baxaan magaalada kaddib markii dad rayid ah oo gaaraya toban qof lagu dhaawacay gudaha magaalada labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa ku amray ciidanka inay ka baxaan magaalada, isagoo sheegay in la dejin doono duleedka magaalada.
Wuxuu sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay kaddib markii askar ka tirsan ciidanka ku sugan Kismaayo ay siyaabo kala duwan u dhaawaceen toban qof oo rayid ah oo qaarkood dhac loo geystay.
Qaalib wuxuu sheegay in ciidan gaar ah oo tiradoodu ay kooban tahay ay la wareegi doonaan xaqiijinta ammaanka magaalada, isagoo dhinaca kalena digniin u diray askarigii jebiga amarka cusub.
“Ciidanka ammaanka ciddii ay qabtaan shaqo ayay ka qabanayaan. Ciddii la dagaallanta ama is hor-taagta, wejiga ayay xabbad kaga dhufanayaan,” ayuu yiri Qaalib oo dhinaca kalena raalli-gelin ka bixiyay dhaawacyada iyo dhaca loo geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu qabtay haweeney la sheegay inay sidatay walxaha qarxa, taasoo oo damacsaneynd inay weerar qarax ah ka geysato magaalada.