Waxa saaka isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Isugu-tagga Imaaraadka Carabta ku geeriyoodey Allaha u Naxariistee duqii degmada Hargeysa Yusuf Warsame Saciid.
Marxuum Yusuf Warsame Saciid ayaa ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ku soo baxay doorashooyinkii dowladaha Hoose kaddib, isagoo markaasina loo doortay duqa magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa inta uusan geeriyoon ka hor waxaa xanuun loogu qaaday dalka Jabuuti si loogu daweeyo, hasa yeeshee markii Jabuuti wax looga qaban waayay ayaa loo sii qaaday Imaaraadka, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.
Madaxweynaha Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida duqa magaalada Hargeysa, wuxuuna u saaray guddi soo qaban qaabiya aaskiisa.
Sidoo kale, qaar ka tirsan guddoomiyayaasha gobollada Somaliland, ayaa tacsi u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay guddoomiyihii golaha deegaanka ee Hargeysa.