Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdigii Xildhibaanada Ahaa ee uu Hogaamiyey Proff.Juurile oo Muqdisho ku Laabtey.

$
0
0

2_25-260x194Wafdigii Xildhibaanada ahaa ee uu Hogaaminayey Proff.Cismaan Xassan(Juurile) ayaa Galabta Waxay dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno maanta  magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ay ka dhoofeen wafdi xildhibaano DF ah oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ku sugnaa.

Prof.Cabdirisaaq Cismaan Xassan ( Juurile) ayaa hogaaminayey ,waxana ay kulamo la yeesheen madaxda maamulka KMG ee Kismayo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka xildhibaanadan ayaa ahaa sidii taageero ugu muujin lahaayeen dhismaha maamul goboleedka Jubaland oo shirweynihiisu ka socdo Kismayo.

Shirka ayaa si habsami ah u socda ,waxana weli ku sugan magaalada boqolaal wufuud ah oo ka kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa iyadoona amaanka si wayn loo adkeeyey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles