Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe wafdi ka socdey wasaarada arrimaha dibeda dalka Koonfur Afrika.
Edgar Motsisi ayaa hogaaminayey ,waxana ay ka wada hadleen horumarinta badaha Somalia ,ka faa’ideysan lahaa khayraadka bada iyo sidii gacan looga siin lahaa Somalida ka hortaga Kaluumeysiga sharci darada ah.
Wafdigan ayaa horey Muqdisho kulamo ula soo yeeshey madaxda ugu sareysa DF Somalia iyagoona sida oo kale kala hadlay arinta badaha maadaama xeebta ugu dheer Afrika ay Somalia leedahay.
Laga soo bilaabo Dhinawda Qorya wayn (Indian Ocean) ilaa Laasa-suro (Red Sea) oo dhan 1600 KM Puntland waxay leedahay Somalia marka loo soo laabto xeebta ugu dheer.
Wafdigan ayaa booqasho ku tagay xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ee Garowe ,waxana halkaasi kula kulmee wasiir Juxa iyo hawlwadeenada wasaarada oo u sharxey qaabka ay hawshu u socoto.
Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |