Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururrada Bulshada ee Puntland oo ka Arinsanaya shirka Soomaalida ee London.

$
0
0

3130Ururrada bulshada rayidka ah ee deegaannada maamulka Puntland ayaa maanta wuxuu shir uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo ay uga arrinsanayaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen shirka Soomaalida ee dhowaan lagu qabanayo magaalada London.

Cabdi Aadan Cali oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Save Woods oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim u tahay bulshada rayidka ah ka qeyb noqoshada iyo wax ku biirinta shirka London.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Nuur Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Dallada Ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland (Bunsa) ayaa sheegay in shirkan looga hadlayo dejinta siyaasadda Soomaaliya kaalinta kaga aaddan ururrada bulshada.

Kulanka ayaa waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369