Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururada Midnimo iyo UDAD oo Sheegay inaysan ka qeybgeli doonin doorashada Golayaasha Degaanka Puntland(Dhegayso).

$
0
0
Ururada Siyaasada Puntland ee Kala Ah Midnimo iyo UDAD ayaa maanta si cad u sheegay inaysan ka qayb gali doonin doorashada gollayaasha deegaanka Puntland oo lagu wada bilaha soo socda inay qabsoomeen,waxayna qaadaceen habka doorashooyinkaasi loo abaarayo.
Halkan ka Dhegayso Codadka Masuuliyiinta Labada Urur ee Midnimo iyo UDAD.

Shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta labadasi urur ay maanta ku qabteen xafiiska Urur siyaasadeedka UDAD ee magalada Garowe ayay ku cadeeyeen mowqifka ay ka taagan yihiin galitaanka doorashadda ,waxaynta tilmeemeen doorashadaasi inaysan ahayn mid xor iyo cadaalad u dhaxaysa.

Diid-mada ka timi Midnimo iyo UDAD ayaa salka ku haysa ka dib markii guddiga doorashooyinka Puntland xukumada iyo baarlamaanka ka codsadeen in qodobo dhowr ah laga saaro xeerka doorashooyinka,qodobada ugu muhiimsan ee ay ururadaasi sheegay inaysan doorashada u gali karin ayaa kala ah, Isdiiwaangelinta Codeeyaha iyo Aqoonsiga Muwaadinka oo ay ku tilmaameen inay ka saareen baarlamanaka.

211402-1024x768

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka DADKa Siciid Faarax Sarwayne oo bilowgii kulankaasi warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan ka qayb gali karin doorasho aan la hubin dadka codaynaya intay leeg yihiin iyo Aqoonsi la’aan,taasoo keenaysa buu yiri in la musuq maasuqu habka doorashadu u socoto,wuxuna sidoo kale guddiga doorashooyinka ku eedeeyay inay garabka xukumada yihiin balse aysan dhex dhexaad ka ahayn ururada jira.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka MIDNIMO Maxamed Cabdinuur Xirsi oo isna hadlay ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashada golayaasha deegaanka,ka dib markii buu yiri guddiga doorashooyinka,golaha xukuumada iyo baarlamaanku ay xeer doorashooyinka ka saareen dhamaan qodobadii saldhigga u ahaan lahaa doorashooyinka.

Sidoo kale Maxamad Cabdinuur ayaa sheegay inaysan haba yaraate ka qayb gali doonan doorashadda dowladaha hoose oo lagu wado bilaha soo socda inay qabsoomaan,wuxuna sheegay inay muhiim tahay ilaalinta jirirtaanka Puntland iyo ammaniga dadka ku nool,wuxuna sidoo kale taageerayaasha Midnimo ugu baaqay inay xasilooni iyo kalsooni muujiyaan.

Dhinaca kale kulanka waxaa ka hadlay xildhibaan ka tirsan ururka Midnimo,wuxuna sheegay inaysan Sharci ahayn ka saaritaanka qodobadii sal dhigi u ahaa doorashada dowladaha hoose,taasoo keentay buu yiri inay isaga baxeen galitaanka doorashada dhici doonta,wuxuna dowlada iyo baarlamaanka ugu baaqay inay raaceen sharciga ku qoran dastuurka iyo shareecada islaamka waxay na farayso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles